Followers

Wednesday, February 28, 2018

Siyaasadda Geeska & Jihadda Cusub:

Siyaasada Wadamada Geeska Afrika la isku yidhaahdaan waxay kooban yihiin 8-waddan oo kala ah Ethiopia, Sudan,South-sudan, Ereteria,Jabouti, Somalia,Kenya iyo Uganda. waddamadan waxa ay dhacaan dhinaca geeska marka laga eegayo khariirada qaarada africa. waxa ay ka wada tirsanyihiin urur goboleedka IGAD( Intergovernmental Authority of Development) oo la aas-aasay sannadkii 1996 si ay waddama geeska africa ugu kulmaan urur-goboleedkan.

Haddaba, waddamadani waxa ay wadaagaan xidhiidho dhinacyo badan leh sidda waddamada kale ee duniduba u wadaagaan xidhiidho badan , sababaha kelifey in xidhiidhkan ay waddamadani wada yeeshaana waxa ay ahayd iyada oo abaaro baahsani ku dhufteen sannadihii 1970-kii intaa wixii ka dambeeyeyna wuu sii xoogaysanayay xidhiidhka wadamadan 8-da ahi.

Dhinaca kale, waxa ay wadamadani wadaagan xidhiidh siyaasadeed oo soo taxnaa mudooyinkii u dambeeyey si wada jir ahna ay uga wada shaqaynayeen wadamadu inkasta oo geeska africa ay la darseen marxalado ay ka mid tahay dagaalada ka socday somalia 20-kii sanno ee lasoo dhaafay iyo waliba south-sudan oo iyana tan iyo markii ay ka go'day dalkii Sudan la isku odhan jiray ay ka socdeen dagaalo sokeeye oo u dhaxeeye masuuliyiinta ugu sareysa illaa haatana ay  taagan tahay. Geeska africa waxa ay samayn ku leedahay siyaasada africa, Ethiopia oo ka tirsan wadamadana waxa  ku taalo xarunta midawga afrika (AU) oo iyadanu waxa ay saamayn toggan ku leedahay jihaynta siyaasada afrika. dhinaca kale waxa ay hagtaa ama ay tahay awooda ugu wayn wadamada geeska afrika.

Lasoco qaybta dambe........