Followers

Monday, January 21, 2019

Qorshahayga Sannadka 2019.

Nolosha bini'aadamku kama maaranto in aad yeelato qorshe hawleed,  ha ahaato mid ku cayiman maalmo, todobaadyo, bilo ama sannad e. Waa muhiim in aad lahaato qorshe hawleed si aad uga gungaadho nolosha ama aad horumar la taaban karo u samayso. Haddaba, si aan u dabakho in aan u horumariyo naftayda dhinac diin iyo mid maadi ba, waxa aan sannadkan 2019 go'aansaday in aad dhinacyadan xoogga saaro.
1. dhinac diinta: isla sannadkan curtay waxa aan bilaabay in tasfiirka quraanka kariimka ah, waxa aan rajaynayaa in aan si nabad qab ah ku dhamaystiro doono.
2. Nolosha bini'aadamku kama maaranto in aad la jaanqaado is bedelada dunida ka socda dhinac kasta oo ay tahay, waxa ii qorshaysan idam Alle in aan kor u qaato aqoontayda maadiga ah aniga oo raacayo talaabooyinkan hoose;
  • In aan kordhiyo akhriska oo aad muhiim u gu ah noolaha waayo, Bilgate oo ah mulkiilaha shirkada Microsoft ahna ninka dunida ugu maalqabeensan waxa uu sannad walba akhriyaa in ku dhaw 50-buug ogowna " hogoomiyeyaashu waa akhristayaal". Aniga oo tan ka duulaya waxa aan isla bishan koowaad akhriyey buugtan, Why Not Me oo uu qorey qoraa reer Kenya ah oo la yidhaa STEPHEN MIURU, An Enemy called Average oo uu qoray qoraaga caanka ah ee reer Maraykan waa JOHN L.MASON e, iyo hadda oo aan waddo buug ka waramaya State Building and Democratization of Africa.
  • Wax ii qorshaysan idam Alle in aad kordhiyo aqoonta aan u leeyahay,horumarka bulshada, koritaanka dhaqan-dhaqaale, iyo isdhexgalka bulsheed ee  dadyowga Afrika.
U gu dambayn waxa sannadkan ii qorshaysan in aan soo kordhiyo hal-abuur cusub waayo in aad soo kordhiso hal-abuur ma aha wax sahlan. 

Haddaba, walaal adiga maxaa kuu qorshaysan?

No comments:

Post a Comment