waxa aynu halkan ku wadaagii doonnaa madaxweyneyaashii ugu mudada dheeraa dalka Maraykanka iyada oo lagu qiyaaso 13-madaxweyne
1.
Franklin Delano Roosevelt (1933-1945)
Mr. Roosevelt oo ka talinayay markayka sannadihii
1933-1945 ayaa ah madaxweynaha ugu muddada dheer ee ka arimiya dalwaynaha
Maraykanka. Mr. Roosevelt waxa uu wadanka ka talinayay sannadihii ugu adkaa
taariikhda aduunka oo ku siman dagaalkii labaad ee aduunka, Mr. Roosevelt waxa
uu curiyey xeerar badan oo ay ka mid yihiin, Xeerka Nabad gelyada bulshad
[Social Security Act] iyo sidoo kale koomishanka xakamaynta sarifka Exchange
Commission (SEC). Mr. Roosevelt waxa uu wax ka qabtay shaqo la’aanta isaga oo
hoos u dhigay 25% marka, waxa uu abuuray siyaas daris wanaag isaga oo
ixtiraamay madax banaanida deriskiisa. Mr. Roosevelt waxa uu xiligii lagu gudo jiray dagaalkii
labaad ee aduunka u wareejiyay Jabaniskii maraykanka ku sugnaa xeerooyin taas
oo lagu tilmaamo in ay ceeb ku ahayd. Mr. Roosevelt waxa uu markii ugu horeysa
u magacaabay haweenay Frances Perkins
golihiisii xukuumada isaga oo ka dhigay wasiirka shaqada.
2. Thomas Jefferson (1801-1809)
Mr.
Jefferson waxa uu ka iibsaday dhulka Louisiana France sannadkii 1803, waxa uu
laban laabay dhulka uu ku fadhiyo dalka Maraykanku. Mr. Jefferson waxa uu sidoo
kale u magacaabay in ay ka hawl-galaan dedaalka lagu kordhinayo dalka
maraykanka Lewis iyo Clarka. Mr. Jefferson waxa uu Maraykanka ku hogaamiyey
guushii dagaalkii Barbary ee (1801-05). Mr. Jefferson waxa aad loogu dhaliilaa
in uu ku guul daraystay in uu soo afjaro xeerkii adoonsiga ee 1807-kii,
waxyaabo lagu xasuusto na waxa ka mid ah in uu aasaasay jaamacada Viriginia sannaddii
1819-kii, waxa uu kale oo la sheegaa in uu kelidii u gu tabarucay kumanaan buug
maktababada golaha koongareeska Maraykanka
3.
James Madison (1809-1817)
James
Madison waxa uu wadanka hogaaminayay
sannaddihii dagaala 1812-kii waxa uu na wadanka ka difaacay maxmiyadii
Ingiriska. James Madison waxa uu saxeexay heshiiska Macon’s Bill No.2 kaas oo
qeexayay in alaabooyinka iyo maraakiibta shixnadaha Ingiriiska iyo Faransiiska loogu ogolaanayay
in ay ganacsi keenan dalka maraykanka. James Madison waxa uu ku guuldaraystay
in uu West Florida ka iibsado dalka Spain
iyo in uu ka difaaco Canada
xiligii dagaalkii 1812 Britian. James Madison waa madaxweynihii ugu gaabnaa
abid Maraykanka, waxa uu adeer labaad u ahaa madaxweyne Zachary Taylor.
FG: Saddexdan Madaxweyne waxa la gu maamuusay in lagu muujiyo lacagta maraykanka ee loo yaqaano Dollarka.
La Soco Qaybta Dambe
No comments:
Post a Comment