Followers

Tuesday, June 13, 2017

Ururka jaamacada Carabta

Jaamacada Carabta waa urur kulmiya wadamada carabta.Waana urur kulmiya wadamo kuyaala Africa & Asia xubnaha kujira waxaa looyaqaana dawladaha  caraba waana dawlado wadaaga arimo dhaqaale iyo arimo siyaasadeed siddoo kale waxa ka dhexeeye xidhiidho aad iyo aad ubadan siddda iskaashi ciiddan, mid dhaqaale.

Ururkan Jaamacada carabta wadamada ku jira waxa lagu tilmaamaa inay tiro ahaan dhan yihin 22-waddan marka lagu daro Somalia. ururka jaamacada carabta waxa la aasaasay March 22, 1945 .

Wadamada ku bahooday ururka jaamacada carabtu waa waddamo dhaqaale ahaan aad u xoogan inkasta oo aanay wax soo saar kale lahayn haddana waxay aad ugu tiirsan yihiin xagga shidaalka  waana waddamo baddi ahaan xuduudo wadaaga marka laga tago wadamo yar- 
yar marka la isku daro bedka ay ku fadhiyaanwadamadani waxa lagu qiyaasaaa 13.3 milyan square taasina waxa ay ka dhigaysaa haddii wadan ahaan loo eego wadanka 2aad ee aduunka ugu dhulka wayn.
Dhinaca kale, midnimada waddamada carabtu waxay noqon lahayeen wadanka 3aadee aduunyada ugu tirada badan waxana ka horeyn lahaa china iyo hindiya.




La soco qaybta labaad  






No comments:

Post a Comment