Followers

Saturday, April 21, 2018

Ka hor jawaari, Gudoomiye Axmed Sheekh Maxamed Cabsiiye ayaa wajahay mooshin kalsooni kala noqosho sannadkii 1966kii.



Sharci-nimada iyo arimaha siyaasadeed ee ku gedaaman mooshinka laga keenay gudoomiya aqalka hoose ee barlamaanka somaliya, Mohamed Sheekh Cusmaan Jawari, waxa uu dib inoo xasuusiyay 1966kii markaas oo barlamankii wakhtigaasi golaha keeneen mooshin loogu yeedhey maamuus ka xayuubinta gudoomiyaha golaha barlamaanka. Mooshinkas waxa uu ahaa soo jeedin sax ah waxa ayna keensatay in la gudo galo doodaha iyo go’aanadii golaha dhexdiisa.

 Dhab ahaantii, 1966kii, waxa mooshinkaas dabada ka riixayay 51-mudane oo dhammaantooda ahaa xisbiga talada hayay, taas oo ay ku sababaynayeen kuna qeexeen xil gudasho la’aan masuuliyadiisa ah gudoomiyaha golaha barlamaanka Ahmed Sheekh Mohamed Cabsiye.
Ka dib, Doorashadii barlamaanka ee 1964kii, Cabsiye, waxa lagu soo doortay degmada Berbera bishii May in uu noqday afhayeenka Barlamanka (Gudoomiyaha barlamaanka). Mudanayaasha mooshinka waday waxa ay cuskanayeen qodobada 55 & 57 ee dastuurka iyo xeerarka 74 & 2 ee gudida joogtada ah (Guinta permanente). Dedaalka lagaga hortagayo sharci-darada mooshinka, madaxweynaha golaha ayaa hakiyey fadhigii aan caadiga ahayn ee  la iskugu imanayay 26 feebarwari 1966kii, isaga oo ku doodayay qodobada loo cuskaday mooshinku xilka xayuubintiisu in aanay ku salaysnay dastuurka. Arintan ayaa markaa loo gudbiyey khabiiro sharci iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Qaranka, oo ah hay’ad awood u leh in ay go’aamiso khilaafaadka ra’yiga ku saabsan turjumidda iyo isticmaalka xeerarka taagan. Guddiga ayaa go’aansaday in ay qodobbada 2 iyo 74 ee xeer-dejiyeyaasha ( Regolamento intermo) ayna ka hor istaagin Golaha ummadda innuu ka dooddo mooshinka una dhaqaajiyo sida ugu muhiimsan.

Isla Febarwari, waxa go’aan wadajir ay ka qaateen gollaha dhexe (Lega dei Giovani Somali) iyo qayb ka mid ah guddiga goluhu in gudoomiya laga caydhiyo xisbiga ka dib markii uu ku fashilmay inuu la shaqeeyo xisbiga talada haya (Somali News February 10, 1966) ka dib markii uu ka soo horjeestay codsi ah inuu istiqaalad soo gudbiyo.
Waxa si dhakhso ah loo gudo galay heshiisyada lagu xasilinayay mooshinka, ka dib markii guddigu codsaday in la gudo galo kulan dheeraad ah bishii March 2, 1966, oo lagaga hadlayo mooshinka, shirkana waxa gudoominayay isla gudoomiyaha la bedelayay/mooshinka laga keenay, waxa ayna mooshinka soo gudbiyeen March 4 halkaas oo ay 85 mudane ogolaadeen, 33-na ka soo horjeesteen hal qofna aanu codayn. (Somali News March 4, 1966) nidaamka codayntuna waxa uu ahaa qarsoodi. Sidda muuqata, dhammaan xildhibaanada xisbiga “Lega” way u codeeyeen mooshinka halka xildhibaanada diidayna ay ka socdeen mucaaradka.
 Dhacdadani waxay ahayd markii ugu horeysay ee gudoomiyaha gollaha ummadda xafiiska laga caydhiyo. Xildhibaanada xisbiga (SDU) iyo mucaaradkuba, waxay ku eedeeyeen Raysal wasaarihii xiligaas, Cabdirisaq, isla markaasna ahaa xoghayihii xisbiga talada hayay, inuu soo abaabulay qaybna ka ahaa in meesha laga saaro gudoomiyaha aqalka barlamanka. Lama cadayn karo sababta soo dedejisay in meesha laga saaro gudoomiyaha xisbigana laga eryo iyada oo ay xubnaha barlamanku ku mashquulsanyihiin baadhitaana ku samaynayeen waxyaabaha loogu yeedhay maalmul xumadiisa. Baadhitaan ay sameeyeen guddiga barlamanku oo uu (gudoominayay Mud.Cabdi Bulle )ayaa u muuqday in la lunsaday inta u dhaxaysa Sh.So.400,000 and Sh.So.490,000  oo ah miisaaniyada golaha.
Eryida mudanane Cabsiiye waxa ay ahayd dhacdadii ugu wayneyd ee intii xornimada la helay ee ka dhacda hay’adaha ugu sareeya ee qaranka, iyada oo loo fahmay lana dareemay in Cabsiiye siyaasi musuq iyo waxqabad la’aan isku darsaday. Dabcan, Cabsiiye wuu ka tagay maamulkii ka dib eedayn, waxqabadkiisa, tayadiisa hogaamineed ayaa si cad uga soo horjeeda anshaxa maamul uu soo bandhigay Aden Abdulla, mudadii uu ahaa gudoomiyaha aqalka baarlamanka sannadihii 1956kii illaa 1960kii.
Iyada oo ay qasab ahayd in meesha laga saaro Cabsiiye, saddexda masuul ee ugu sareeya( Madaxweynaha Jamhuriyada, Madaxweynaha Barlamanka Iyo Wasiirka Kowad) waxa ay dareemanayeen reer waqooyigu. In Cigal oo ay isku qabil ahayeen weliba sii jilib hoose inuu yahay ninka ugu mudan ee qaban kara kursigan marka aad u eegto qaaciidada nidaamka qabaliga. Si kasta ha ahaatee, waxa jiray shuruudo uu Cigaal si adag u dareemay, waayo waxa uu xubin ka ahaa SNC oo ah xisbi mucaarad ah, iyada oo xisbiga LEGA doonayay in uu gudoomiyaha qabto shakhsi ka socda xisbigooda.

Isla March 8, Sheekh Mukhtaaar Maxamed Xuseen, oo ahaa mid ka mid ah saddexda gudoomiye ku xigeen ee golaha, ayaa loo doortay in uu bedelo Cabsiiye isaga oo helay codad dhan 69-cod. Halka murashaxii ku xigay oo ah Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ka socday SNC uu helay 42-cod (Somali News March 11, 1966).

Si cad oo kooban kala duwananshaha u dhaxeeyay xurguftan siyaaseed ee jirtay 1966kii iyo xaalada haatan ee 2018ku waxa tahay siddan soo socota:
Ugu horayn, 1966kii somaliya waxay ahayd dal midaysan leh-na hay’addo si buuxda u shaqaynaya iyo dawlad dhexe oo adag. Maanta’se, wadanku wuu burburey mana jirto dawlad dhex oo leh awoodii ay ku shaqayn lahayd kuna maamuli lahayd xududeheda. Illaa 1991-kii dunidu waxay weli somaliya ku xusaysaa qaran guuldareystay.
Mar-labaad, 1966kii may jirin faro-galin dibadeed oo cad oo arimaha gudaha ee jamhuuriyada somaliya ahi. Carabta iyo Beershiyanku waxay la daalo dhacayeen faqri mana jirin awoodo ay cidkale ugu mashquulaan, sidda dhacdada manta ay u saamaynayaan doorashooyinka masuuliyiinta sare ee waddanka.
Mar-saddexaad, nasiib-darro 60-kii sharci-dejintu waxay qabsan jirtay shaqadeed iyaga oo ku dabaqaya xeerarka baarlamaanka.
Maanta waxa aynu weli marag ka nahay mudanayaasha barlamaanka iyo weliba xubno kal mid ah dawlada oo warbaahinta u marinay hadalo aan fiicanayn iyo casuumado lagu weerarayo gudoomiyaha barlamaanka.
W/T: Ayanle M.Cali
Salaasa, April 18, 2018.
Blogger:Ayanle-Ali.blogspot.com

No comments:

Post a Comment