Tan iyo markii ay dawladii dhexe ee Somaliya burburtay 1991 kana
horyimaadeen jabhadihii abaabulnaa waxa soo if-baxayay in shaki wayni galay
ummadda inteedii caqli lahayd ama saadaalinkaraysay mustaqbalka iyo aayaha
ummadda Somaliyeed. Sababta ugu wayn ee shakiga abuurtayna waxa ay ahayd in
jabhadihii markaas ka horyimid maamulkii Militeriga ahaa ee Maxamed Siyaad
Barre in eedaha ugu wayn ee loohayay ay ka mid ahaayeen ama ugu wayneyd in
aanay lahayd awood maskaxeed ama maamul oo ay ku hanan karaan hogaaminta
ummadda Somaliyeed marka ay maamulka ka xayuubiyaan nidaamkii caskariga ah ee
markaas wadanka ka talinayay, ummadda taladeeduna meel dhex ku dhici
doonto.
Si kastaba ha ahaatee aynu u iftiimino dareenkas shakiga abuurey
ee aqoonyahanka ummadda ka dhex guuxayay inaga oo tusaale usoo qaadanayna
ururkii SNM oo ahaa jabhadii ama dhaqdhaqaaqii ugu waynaa ee af-gembiyey
maamulkii Maxamed Siyaad Barre kana faramaroojiyey taladii dalka ama la
wareegey gobaladii waqooyi (Somaliland), ka dibna ku dhawaaqay gooni isu-taag
ay dib ugula noqondeen xornimadoodii May 18 1991 Haddaba, aan u gudo galno
dulucda qoraalkan e sida uu Ibraahim Maygaag Samatar (AHN) oo ka mid ahaa
hogaannadii SNM intii ay halganka ku jirtay waxa uu ku xusay waraaqdiisa
(Paper-kiisa) Mending rips on the sky". "Cir-ku-baanashada biixiyaha
burburey". ee uu turjumay Boobe Yusuf Ducaale kuna xusay Buugga uu ka
qoray Ibraahim Maygaag Samatar (AHN) boggiisa 76aad inuu Ibraahim ka
difaacayay eedahaas SNM loo soo jeediyey waana sidan qoraalka oo aan sidiisa u
soo minguuriyey "Qaar idinka mid ah ayaa aad ugu fogaada eedeynta SNM
ay ku eedenayaan in ay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq aan aragti lahayn, aan
barnaamaj-siyaasadeed lahayn, aan mujaahidin anshax(dishiplilned) leh lahayn
intaa ka dib aan abaabuli karin ama dhisi karinba maamul suubban oo hadhaw
marka nidaamka la rido buuxin kara madhnaanshaha soo baxa ama xilalka
bannaanaada. kuwa sidaa u naqdiya SNM malayga waxa fiicnaan lahayd in ay sugaan
in ay xilka qabato.
Ibraahim isaga oo sii wada hadalkiisa waxa uu ku kabay " waxaanu
aaminsanahay in naqdiga iyo doodda caykan ahi yihiin qaar sar-ka-xaadis ah oo
aan sidaa usii qodnayn. waa dad isku qaldaya shakhsiyaad ka tirsanaa
dhaqdhaqaaqa SNM. Halkaas waxa aynu ka arki karnaa in uu jiray dareen
ummadda inteeda kale qabtay, ururadii ka soo horjeeday maamulkii Maxamed
Siyaad Barre-na ay aragti taa ka duwan qabeen sida aynu kor ku xusnay qoraalka
aynu ka soo xiganay Buugga Ibraahim Maygaag Samatar ee uu qoray Boobe Yusuf
Ducaale e. Balse, ururadii xoogga iyo iska caabinta kala horyimid Maamulkii
dawlada dhexe ma ahayn oo keliya SNM balse waxa kale oo jirtay USC oo iyaduna
koonfur kala dagaalantay Maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo ugu danbayn
talada dalka la wareegtay halka ay SNM-na May 18 1991 gooni isu-taag
ay dib ugula noqondeen xornimadoodii.
Haddaba, aynu u noqono dulucda qoraalkeenan ee (30) soddon
sanno ka dib waxa muuqata in dareenkii kii ay qabeen haldoorka ummadda
Somaliyeed ee ahaa in mustaqbalka ummaddu meel dhex ku dhacayo waxa ay u
muuqataaa in uu rumoobay marka aynu eegno sida hadda wax u jiraan iyo rajo
la'aanta ummadda haysata oo aanay weli helin hogaamin sax ah oo dhaba u qaada
isku haynta dadka iyo dalkaba, haba kala maqnaada labadii dawladood ee
lixdankii isku biirey.
Ayanle M.Ali
Isniin,
March 30 2020.
Waa aragti muhiim ah in laga doodo oo la falanqeeyo.
ReplyDeleteWaxana ugu muhiimsan in laga barto casharo inaga caawiya in aynu hogaan toosan helno mustaqbalka.