
Xidhiidhka diblomasiyadeed ee dadwaynaha [Public diplomacy ]waa nooc ka mid ah hababka ay dawladaha caalamku u wada xidhiidhaan gaar ahaan kuwa aan xidhoodhkoodu wanaagsanayn mararka qaarna waxa ku macaamiila wadamada hore hal dawlad iskugu ahaan jirey laakiin hadda kala go'ay xidhiidhkooduna aany wacnayn sidda dawlada China & Taiwan.
Xidhiidhka noocan ahi ma aha mid si toos ah ay dawladuhu xidhiidh u samaynayaan laaki8n sidda inoga muuqata waa nidaam ay dawladuhu u adeegsadaan bulshooyinkooda iyaga oo aanay dawladuna ka maqnay ( people to people relations).
Hagaag, nidaamkan xidhiidh waxa uu suuro-geliyaa heshiis dhex mara dalal colaadi raggaadisay ama aan xidhiidh siyaasadeed oo aan wanaagsanayn lahayn iyada oo loo raaco is dhex-galka bulsheed oo dhinacyo badan leh oo ay ugu horeeyaan arimaha ganacsiga oo ah meelaha ugu awoodda badan ee suuro-geliya in dawladuhu isku soo dhawaansho abuuraan maadaama oo uu ganacsigu suuro geliyo isku socodka dad iyo duunyoba.

Haddaba, habkan siyaasadeed oo aanay dawladuhu ka gacan madhnayn waa mid qarnigii 21-aad dunida aad ugu soo badanayay wadamo badana u suuro-geliyay isku soo dhawaansho fiican meeshana ka saarey cabsida dawlada badan u dhaxaysay ama dunidu ka dhex abuuri kari wayday is faham taabo gala.
La soco qaybta dambe