Followers

Sunday, October 13, 2019

Dulqaadku waa sahayda guusha

Dariiqa guushi sidiisaba waa mid qodxaan badan u baahan Samir iyo dhabar-adayg xad dhaaf ah, haddii ba ay dhacdo in aad dareento dhibkaas way adkaan doontaa in aad gaadho bar dhammaadka yoolkaagii. Ogow si kasta oo aad u dedaashana in ay taladu gacantaada mid aaan ahayn jirto oo ah ta Alle Swt in abuuray, markasta talaabo kasta oo aad qaadayso ku ladh talo-saarashada Alle Swt. 

Dadyowga dunidu way ku kala gedisan yihiin dariiqa guusha, balse ummad ahaan waynu u ga dhawnahay taas in kasta oo ay ku xidhantahay yaqiinta qofka iyo talo-saarashada Alle. 

Ugu dambayn, in aad dariiq jeexata way fududahay balse ha ilaawin talo-saarashada Alle Swt, u dhibirsanaw qadarka iyo in waxyaabaha qaar ay awoodada ka baxsan yihiin.


#Nabad iyo Barwaaqo ayan idin rajaynayaa. 

Image result for peace and love pic