Followers

Monday, March 30, 2020

Dib u Milicso Taariikhda!

Today in History: July 4 - KOAM
Tan iyo markii ay dawladii dhexe ee Somaliya burburtay 1991 kana horyimaadeen jabhadihii abaabulnaa waxa soo if-baxayay in shaki wayni galay ummadda inteedii caqli lahayd ama saadaalinkaraysay mustaqbalka iyo aayaha ummadda Somaliyeed. Sababta ugu wayn ee shakiga abuurtayna waxa ay ahayd in jabhadihii markaas ka horyimid maamulkii Militeriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre in eedaha ugu wayn ee loohayay ay ka mid ahaayeen ama ugu wayneyd in aanay lahayd awood maskaxeed ama maamul oo ay ku hanan karaan hogaaminta ummadda Somaliyeed marka ay maamulka ka xayuubiyaan nidaamkii caskariga ah ee markaas wadanka ka talinayay, ummadda taladeeduna meel dhex ku dhici doonto. 

Si kastaba ha ahaatee aynu u iftiimino dareenkas shakiga abuurey ee aqoonyahanka ummadda ka dhex guuxayay inaga oo tusaale usoo qaadanayna ururkii SNM oo ahaa jabhadii ama dhaqdhaqaaqii ugu waynaa ee af-gembiyey maamulkii Maxamed Siyaad Barre kana faramaroojiyey taladii dalka ama la wareegey gobaladii waqooyi (Somaliland), ka dibna ku dhawaaqay gooni isu-taag ay dib ugula noqondeen xornimadoodii May 18 1991 Haddaba, aan u gudo galno dulucda qoraalkan e  sida uu Ibraahim Maygaag Samatar (AHN) oo ka mid ahaa hogaannadii SNM intii ay halganka ku jirtay waxa uu ku xusay waraaqdiisa (Paper-kiisa) Mending rips on the sky". "Cir-ku-baanashada biixiyaha burburey". ee uu turjumay Boobe Yusuf Ducaale kuna xusay Buugga uu ka qoray Ibraahim Maygaag Samatar (AHN) boggiisa 76aad inuu Ibraahim ka difaacayay eedahaas SNM loo soo jeediyey waana sidan qoraalka oo aan sidiisa u soo minguuriyey "Qaar idinka mid ah ayaa aad ugu fogaada eedeynta SNM ay ku eedenayaan in ay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq aan aragti lahayn, aan barnaamaj-siyaasadeed lahayn, aan mujaahidin anshax(dishiplilned) leh lahayn intaa ka dib aan abaabuli karin ama dhisi karinba maamul suubban oo hadhaw marka nidaamka la rido buuxin kara madhnaanshaha soo baxa ama xilalka bannaanaada. kuwa sidaa u naqdiya SNM malayga waxa fiicnaan lahayd in ay sugaan in ay xilka qabato.

Ibraahim isaga oo sii wada hadalkiisa waxa uu ku kabay " waxaanu aaminsanahay in naqdiga iyo doodda caykan ahi yihiin qaar sar-ka-xaadis ah oo aan sidaa usii qodnayn. waa dad isku qaldaya shakhsiyaad ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa SNM. Halkaas waxa aynu ka arki karnaa in uu jiray dareen ummadda inteeda kale qabtay, ururadii ka soo horjeeday maamulkii Maxamed Siyaad Barre-na ay aragti taa ka duwan qabeen sida aynu kor ku xusnay qoraalka aynu ka soo xiganay Buugga Ibraahim Maygaag Samatar ee uu qoray Boobe Yusuf Ducaale e. Balse, ururadii xoogga iyo iska caabinta kala horyimid Maamulkii dawlada dhexe ma ahayn oo keliya SNM balse waxa kale oo jirtay USC oo iyaduna koonfur kala dagaalantay Maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo ugu danbayn talada dalka la wareegtay halka ay SNM-na May 18 1991 gooni isu-taag ay dib ugula noqondeen xornimadoodii.

Haddaba, aynu u noqono dulucda qoraalkeenan ee (30) soddon sanno ka dib waxa muuqata in dareenkii kii ay qabeen haldoorka ummadda Somaliyeed ee ahaa in mustaqbalka ummaddu meel dhex ku dhacayo waxa ay u muuqataaa in uu rumoobay marka aynu eegno sida hadda wax u jiraan iyo rajo la'aanta ummadda haysata oo aanay weli helin hogaamin sax ah oo dhaba u qaada isku haynta dadka iyo dalkaba, haba kala maqnaada labadii dawladood ee lixdankii isku biirey.  



Ayanle M.Ali 
Isniin,
March 30 2020.