Followers

Sunday, March 25, 2018

Xidhiidhka diblomasiyadeed ee dadwaynaha [Public Diplomacy].




Xidhiidhka diblomasiyadeed ee dadwaynaha [Public diplomacy ]waa nooc ka mid ah hababka ay dawladaha caalamku u wada xidhiidhaan gaar ahaan kuwa aan xidhoodhkoodu wanaagsanayn mararka qaarna waxa ku macaamiila wadamada hore hal dawlad iskugu ahaan jirey laakiin hadda kala go'ay xidhiidhkooduna aany wacnayn sidda dawlada China & Taiwan. 



Xidhiidhka noocan ahi ma aha mid si toos ah ay dawladuhu xidhiidh u samaynayaan laaki8n sidda inoga muuqata waa nidaam ay dawladuhu u adeegsadaan bulshooyinkooda iyaga oo aanay dawladuna ka maqnay ( people to people relations). 



Hagaag, nidaamkan xidhiidh waxa uu suuro-geliyaa heshiis dhex mara dalal colaadi raggaadisay ama aan xidhiidh siyaasadeed oo aan wanaagsanayn lahayn iyada oo loo raaco is dhex-galka bulsheed oo dhinacyo badan leh oo ay ugu horeeyaan arimaha ganacsiga oo ah meelaha ugu awoodda badan ee suuro-geliya in dawladuhu isku soo dhawaansho abuuraan maadaama oo uu ganacsigu suuro geliyo isku socodka dad iyo duunyoba.



Dhinaca kale, Ciyaaraha iyo dalxiiskuna iyana waxay qayb muhiim ah ka yihiin isku soo dhawaanshaha dawlado aan xidhiidhkoodu fiicnayn ama colaadi ka dhaxayso sidda labada korea ( North Korea & South Korea) oo in badan colaadi ka dhaxaysay waxa suuro-gal noqotay in ciyaarihii barafka (Snow-Ball Champion) ee South Korea lagu qabtay ay sababta inay abuurto ama keensato in is-fahamkoodu soo dhawaado North-korea-na ka qayb gasho ciyaaraha lagu qabtay dhigeeda kuuriyada koonfured. 



Haddaba, habkan siyaasadeed oo aanay dawladuhu ka gacan madhnayn waa mid qarnigii 21-aad dunida aad ugu soo badanayay wadamo badana u suuro-geliyay isku soo dhawaansho fiican meeshana ka saarey cabsida dawlada badan u dhaxaysay ama dunidu ka dhex abuuri kari wayday is faham taabo gala. 
La soco qaybta dambe

Wednesday, February 28, 2018

Siyaasadda Geeska & Jihadda Cusub:

Siyaasada Wadamada Geeska Afrika la isku yidhaahdaan waxay kooban yihiin 8-waddan oo kala ah Ethiopia, Sudan,South-sudan, Ereteria,Jabouti, Somalia,Kenya iyo Uganda. waddamadan waxa ay dhacaan dhinaca geeska marka laga eegayo khariirada qaarada africa. waxa ay ka wada tirsanyihiin urur goboleedka IGAD( Intergovernmental Authority of Development) oo la aas-aasay sannadkii 1996 si ay waddama geeska africa ugu kulmaan urur-goboleedkan.

Haddaba, waddamadani waxa ay wadaagaan xidhiidho dhinacyo badan leh sidda waddamada kale ee duniduba u wadaagaan xidhiidho badan , sababaha kelifey in xidhiidhkan ay waddamadani wada yeeshaana waxa ay ahayd iyada oo abaaro baahsani ku dhufteen sannadihii 1970-kii intaa wixii ka dambeeyeyna wuu sii xoogaysanayay xidhiidhka wadamadan 8-da ahi.

Dhinaca kale, waxa ay wadamadani wadaagan xidhiidh siyaasadeed oo soo taxnaa mudooyinkii u dambeeyey si wada jir ahna ay uga wada shaqaynayeen wadamadu inkasta oo geeska africa ay la darseen marxalado ay ka mid tahay dagaalada ka socday somalia 20-kii sanno ee lasoo dhaafay iyo waliba south-sudan oo iyana tan iyo markii ay ka go'day dalkii Sudan la isku odhan jiray ay ka socdeen dagaalo sokeeye oo u dhaxeeye masuuliyiinta ugu sareysa illaa haatana ay  taagan tahay. Geeska africa waxa ay samayn ku leedahay siyaasada africa, Ethiopia oo ka tirsan wadamadana waxa  ku taalo xarunta midawga afrika (AU) oo iyadanu waxa ay saamayn toggan ku leedahay jihaynta siyaasada afrika. dhinaca kale waxa ay hagtaa ama ay tahay awooda ugu wayn wadamada geeska afrika.

Lasoco qaybta dambe........





Wednesday, June 28, 2017

Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeesha Xukunka[Q: 4aad]


W/Q: Wargeyska Geeska Africa
Image result for The Trump Card: Playing to Win in Work and Life

7. Wakiilka madaxweynaha ee arrimaha haweenka: In kasta oo aanu ahayn xil rasmi ah oo sharciga dalka Maraykanku siinayo, haddana waxaa caan ah in marwada koowaad ee dalkaasi ay qabato arrimaha la xidhiidha haweenka iyo qoyska, iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumadda odaygeedu ugu talogashay. Sidaas oo ay tahay, laakiin markan xaalku waa uu ka duwan yahay oo marwada koowaad ee Maraykanka Melanie Trump waxaa hawshaas ka hororsatay inanta curad ee madaxweynuhu ee Ivanka Trump.
Ivanka waa ergeyga madaxtooyada Maraykanka u metala arrimaha la xidhiidha haweenka. Iyada ayaa markii uu aabaheed xilka la wareegayba waxa ay talefanka kala xidhiidhay guddoomiyaha kutladda xildhibaannada xisbiga dimuqraaddigu ku leeyahay golaha wakiilladda ee Maraykanka Nancy Pelosi, si ay ugala sheekaysato guud ahaan arrimaha haweenka iyo qaabka ay isaga kaashan karaan wax u qabashadooda.
25kii Abriil 2017 Ivanka Trump iyada oo ka wakiil ah Guriga Cad ee Maraykanka waxa ay safar ku tagtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka si ay uga qaybgasho shirmadaxeedka Baarlin ee dumarka adduunka. Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen tiro dumar masuuliyiin ka ah dalalkooda oo ay ka mid tahay haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel iyo guddoomiyaha Sanduuqa lacagta adduunka Christine Lagarde.
Booqashadaas ay Ivanka ku tagtay Jarmalka iyo ka qaybgalka shirkaas waxa ay kala kulantay dhalleecayn badan oo ay ku mutaysatay hadalladii aan quruxda badnayn ee uu aabaheed hore uga yidhi dumarka, gaar ahaan xilliyadii uu ol’olaha ku jiray, taas oo ku kalliftay Ivanka in ay waqti badan ku qaadato difaacidda aabaheed. In kasta oo hadalladeedaa difaaca aabaheed iyo xitaa hadallada ay jeedisay ee ay kaga hadlaysay wax-u-qabadka dumarka aanay dad badani dheg u dhigin iyaga oo ku doodaya in ay yihiin hadallo iyo afkaar aanu aabaheed la qabin.
8. Kulamada madaxda caalamiga ah: Dad badan ayaa ku dooda in Ivanka Trump ay xitaa ka sii gudubtay talomaroorsigii ay ku samaysay marwada koowaad ee Maraykanka oo ay xitaa xukunka aabaheed loo igmaday si toos ah uga dhex muuqato, taas oo aan hore inta badan looga baran marwooyinka koowaad ee Maraykanka. dooddani waxa ay xoogaysatay markii la arkay Ivanka Trump oo ku dadaalaysay in ay ka dhex muuqato dhammaan kulamada caalamiga ah ee aabaheed ku yeelanayo Guriga Cad ee Maraykanka iyo inta badan kulamadiisa ka baxsan Guriga Cad.
Ivanka Trump waxa ay qaabishay masuuliyiin iyo madaxweyneyaal dawladeed, oo weliba booqashada ay Maraykanka ku joogaan ay rasmi tahay, iyada oo sida caadi ahaan loo bartayna ay tahay in madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha ee booqashada ku yimaadda Maraykanka ay la kulmaan uun masuuliyiinta rasmiga ah ee dawladda Maraykanka, ama dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka saamaynta la og yahay ku leh. Waxa taas ka sii xiise badan in si rasmi ah loo faafiyo kulamadaas Ivanka iyo madaxdaas booqashada ku jooga Maraykanka. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan ayaa ay Ivanka haddana weli ku adkaysataa in ay tahay oo keliya inantii madaxweynaha, oo aan shaqo rasmi ah ka haynin dalka.
Madaxda ay Ivanka Trump la kulantay ee doodda badan kulankoodu dhaliyey waxaa ka mid ah, raysalwasaaraha dalka Jabbaan Shinzo Abe. Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyey ee Ivanka la arko 7. Wakiilka madaxweynaha ee arrimaha haweenka: In kasta oo iyada oo hoggaamiye dawladeed la kulmaysa. Arrintaas oo aan Maraykanka oo keliya dood ka dhalin balse dadka Jabbaan qudhoodu tilmaameen in ay arrin aan caadi ahayn tahay in la arko qofka qoyska madaxweynaha Maraykanka ka mid ah oo madaxweynaha kala qaybgalaya kulamada uu la yeelanayo madaxda dunida.
Ivanka Trump waxa kale oo ay la kulantay raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ay kala qaybgashay kulan rasmi ah oo uu la yeelanayey madaxweynaha Maraykanka.
Waxaa xusid mudan in kulankaas warbaahinta Maraykanku si aad ah u faallaysay, warbixinno aanay dacaayadi ka madhnayna laga sameeyey qaabkii raysalwasaaraha 45 jirka ahi uu u eegayey inanta madaxweyne Trump ee uu Tobanka gu’ ka weyn yahay. Waxaa iyadana si aad ah loo faalleeyey goobta ay Ivanka ka fadhiisatay kulankaas oo aad ugu dhoweyd dhinaca raysalwasaare Trudeau iyo dhowr jeer oo ay kamaraduhu qabteen iyada oo si dareenka soo jiidanaysa u eegaysa, illaa heer dad badani ku tilmaameen, ‘Deymo kalgacal’ arrintaasina waxa ay sii hadalhayn badatay markii Ivanka ay Trudeau u raacday badhig masraxiyadeed oo hoggaamiyaha Kanada uu kaga qayb galay Kanada.

Dumar Aaan Marwada Koowaad Ahayn OO Samaynta Ku yeeshay Xukunka [Q-3aad ]

W/Q: Wargeyska Geeska Africa.
 4. Waxa ay taageere muhiim ah u ahayd weerarkii Maraykanku ku qaaday Suuriya: Wargeyska Sunday Times eek a soo baxa dalka Maraykanka ayaa faafiyey in weerarkii Maraykanku uu ku qaaday garoonka Milateri ee Suuriya ku yaallay, kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Suuriya dad maato ah ku xasuuqeen magaalada Khaan Shaykhuun ee dalkaas, in inanta uu dhalay madaxweyne Trump ee Ivanka ay ahayd shakhsigii ku adkaystay in gantaallo lagu duqeeyo saldhigga Shucayraat ee ay ka soo kaceen diyaaradaha Suuriya ee dadka xasuuqay. Ivanka oo shaqo ahaan aanay hawlaheeda ku jirin in ay arrimaha milateriga ee dalkaas ka arrimiso ayaa haddana ka qaybgashay shir lagaga tashanayey tallaabada ku habboon ee weerarkaas lagaga jawaabi karo, waxa aana laga dareemayey in ay si aad ah uga calool xumaatay sawirrada warbaahintu ka soo qaadday dadkii magaaladaas ee sunta kiimikada ah lagu rusheeyey.
Ivanka maba ay qarsan in ay hawshan ku luglahayd oo mar ay ka hadashay waxa ay qiratay in ay run tahay in aabaheed ay u sheegtay rayigeeda khuseeya duqayntaas. Laakiin waxa ay diidday in ay qirato in iyadu ay dalbatay weerarkaas jawaabta ahaa. Waxa aanay ku celcelisay in aabaheed Trump uu ahaa qofka go’aankaas qaatay, iyada hadalkeeduna ahaa uun rayi caadi ah oo ay u sheegtay.
Markii warkani si aad ah dibadda ugu soo baxay ayaa Guriga Cad ee Maraykanka oo sida muuqata diidaya in rayulcaamku qaato in Ivanka ay awood ku leedahay talada dalka, waxa uu soo saaray war uu ku diidayo in ay iyadu dalbatay weerarkaas, waxa se uu qiray in Ivanka ay rayigeeda arrintaas ku waajahan sheegtay, si la mid ah masuuliyiinta kale ee Guriga Cad.
Arrinta kale ee iyaduna saamaynta Ivanka muujinaysa ayaa ah muhiimadda weyn ee laga dareemay in ay siinayso qaxoontiga reer Suuriya. Waxa aanay marar kala duwan u sheegtay in arrintaasi ay tahay arrin muhiim ah oo in la baadho mudan. “Dunidu waxaa soo foodsaartay masiibo bani’aadamnimo oo caalamiya, sidaa awgeed waa in aynu xal u raadinteeda ka shaqaynaa” ayaa ay caddaysa Ivanka, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in fikirkeedaasi uu gebi ahaanab ka soo horjeedo fikirka uu aabaheeda madaxweynaha ahi ka qabo qaxoontiga Suuriya.
Mar la sii weydiiyey in ay suurtogal tahay in Maraykanku uu qaado qaxoontiga Suuriyana waxa ay bixisay jawaab aan diidmo iyo ogolaanshiyo midna ahayn, balse waxa ay tilmaamtay in ay tahay arrin u baahan in dood ballaadhan laga yeesho. Taas oo mar kale khilaafsan aragtida aabaheed ee aan marnaba waxa xaajoodka ka ogolayn qaxoonti Maraykanka la keeno guud ahaan iyo kuwa Suuriya si gaar ah.
5. Shaqo iyo shaqaale u gaar ah: Kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka ku leedahay talada aabaheed loo igmaday waxaa marag u ah muhiimada ay ku dhex leedahay la’taliyeyaasha madaxweyne Trump iyo weliba ogolaanshiyaha uu Guriga Cad ogolaaday in Ivanka ay yeelato hawlwadeenno iyada u gaar ah oo gacanyareyaal u noqda. Waxa ay Guriga Cad ku leedahay haweenay u ah lataliye u gaara iyada.
Dina Xabiib oo isir ahaan Masar ka soo jeedda, horena gacanyare ugu ahaan jirtay madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush ayaa ah taliyaha koowaad ee Ivanka Trump. Sida oo kale Ivanka waxa ay magacowday agaasime madax u noqda hawlwadeennada iyada u shaqeeya ee Guriga Cad.
6. Ivanka waxa ay ka shaqaynaysaa in la dejiyo xeerar u gaar ah daryeelka ubadka: Awoodahaya yaabka leh ee Ivanka ku leedahay talada Guriga Cad wax yaabaha tirada badan ee muujinaya waxaa ka mid ah sida iyada oo aan xildhibaan ka ahayn golaha Kongareeska Maraykanka, ay haddana uga shaqaysay in ay samayso xeer cusub oo ku aaddaan dib u habaynta cashuuraha, gaar ahaan wax laga jaro cashuurta laga rabo waxyaabaha lagu daryeelo ubadka, arrintaas oo dad badani ay saadaalinayaan in ay ku adkaan doonto Ivanka in ay taageero uga hesho golaha Kongareeska, maadaama oo ay doonayso in muddo 10 sano ah lacag dhan 500 oo Bilyan oo doolar la geliyo ubadka, haddana waxaa ka muuqata in ay doonayso in ay marto jid kasta oo u suurtogelinaya ansixinta sharcigan.
Ivanka waxa ay Guriga Cad shir kula qaadatay xildhibaannada ugu badan Kongareeska iyo golaha odayaasha ee Maraykanka, si ay dood io aragti is-dhaafsi ugala yeelato arrintan. Waxaa dad badan ka yaabiyey awoodda Ivanka ee keentay in shirkaadi aanu ka dhicin sida caadiga ah golaha Kongareeska ee uu ka dhacay Guriga Cad oo ay ugu yeedhay xildhibaannada. Waana marag cad oo muujinaya sida awoodda badan ee ay Ivanka u saamaysay siyaasadda Maraykanka.
Ivanka ayaa xilligii uu aabaheed ol’olaha doorashada ku jiray waxa ay ballanqaaday in aabaheed uu daryeelka ubadka ka dhigi doono bilaa lacag, waana taas ay hadda ka hawlgashay hirgelinteeda, waxa se markaasba dad badan la yaabbanaayeen sida ay ugu dhiirratay in ay ballanqaad sidaa u culus samayso iyada oo aanu aabaheedii murashaxa ahaa mar keliya ka hadlinba wax khuseeya daryeelka ubadka. La soco…

Monday, June 26, 2017

Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeesha Xukunka.

Image result for ivanka trumpHargeysa (Geeska Africa News) Waxa ay si muuqata oo awood leh uga qayb qaadataa talada iyo go’aanqaadashada siyaasadaha Guriga Cad ee Maraykanka, waxa ay meteshaa arrimaha haweenka ee dalka Maraykanka. Waa Ivanka Trump oo uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo buug ay bishii ina dhaaftay ee Meey labadeedii soo saartay lacagta ka soo baxday iibkiisa kala badh ugu deeqday hawlaha samofalka. Buuggan oo gorfaynaya habka ay u guulaysan karaan dumarka shaqeeya ee Maraykan; waxa uu calaamad cad u noqotay kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka kaga jirto siyaasadda aabaheed ku maamulo Maraykanka.
In kasta oo Ivanka Trump mar la weydiiyey bal in iyadu sida hore loogu arkay madaxweynayaal soo maray Maraykanka ay noqon doonto inanta madaxweynaha oo ku jirta kaalinta Marwada Koowaad ayaa waxa ay si kooban u tidhi, “Maya, sida inan iyo aabaheed ayuun baanu ahaan doonnaa” In kasta oo ay sidaa cad warfidiyeenkii su’aashan weydiiyey ugu deedifaysay sheegashada ah in ay kalian muuqata ka ciyaari doonto talada aabaheed ee dalka Maraykanka, oo weliba ay sheegtay in aanu wax hunguri ahi ka haynin guriga cad iyo xukuumadda aabaheed midna, sida keliya ee ay u dhaqmi doontaana yahay inan iyo aabaheed oo kale, haddana markiiba warkaas su’aalo muhiim ah ayaa ka soo noqday.
Waa run in Ivanka aanay xil rasmi ah ka haynin xukuumadda madaxweyne Turmp, laakiin run ma’aha in aanay saamayn ku lahayn talada aabaheed, dadka aad ugu dhuun daloola Guriga Cadna waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay la’taliyaha koowaad ee Donald Trump aanu la’aanteed go’aamada muhiimka ah qaadan.
Warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo uu Geeska Afrika akhriyey ayaa ka warrantay ra’yi-ururin lagu sameeyey shacbiyadda iyo magaca ay madaxda sare ee xukuumadda madaxweyne Trump ku dhex leeyihiin Aqalka Cad.
Sahamin ay samaysay shirkadda cilmibaadhista ee Politico/Morning ayaa muujisay in Ivanka Trump ay tahay ruuxa ugu shacbiyadda badan shaqaalaha Guriga Cad ee Maraykanka, halka odaygeeda asalkiisu Yuhuudiga yahay ee Jared Kushner uu isaguna ka noqday qofka afaraad ee Siddeeda qof ee ugu shacbiyadda badan masuuliyiinta ka tirsan Guriga Cad ee Maraykanka. Ivanka wax shaqo ah kama hayso guriga cad, waa se la’taliye aan mushahar ka qaadan dawladda oo kelmad muhiim ah ku leh maamulka aabaheed.
Arrinta xiisaha leh ee rayiururintan ka muuqatay ayaa ah in Ivanka ay ka shacbiyad badato xitaa masuuliyiinta kale ee la ya qaanno ee guriga Cad ee Maraykanka, halka boqolkiiba 46 dadkii wax la weydiiyey ka mid ahi ay si weyn u taageereen Ivanka Trump, halka Kellyanne Conway oo ah shakhsiga ku magacaaban lataliyaha rasmiga ah ee madaxweyne Trump ay ka heshay shacbiyad dhan boqolkiiba 30 keliya, Sean Spicer oo ah isu-duwana warbaahinta ee madaxweyne Trump iyo xoghayaha warbaahinta ee Guriga Cad isagu uu ka noqday qofka saddexaad oo helay boqolkiiba 28 keliya. 
Awoodaha la dareensan yahay in ay Ivanka Trump taabka ku dhigtay waxaa ka mid ah:
1. Shaqadii Marwada Koowaad: Ivanka Trump markii aabaheed xilka la wareegay waxa ay fasax dheer oo bilaa mushahar ah ka qaadatay shirkadaha aabaheed ee ay maamuli jirtay waxa aanay u soo guurtay Guriga Cad ee Maraykanka, oo ay aabaheed u noqotay lataliye awooddiisu furan tahay oo haddana aan si rasmi ah dawladda ugu shaqayn. Halkaas kuma ay joogsan ee Ivanka waxa ay awoodahaas ku sii darsatay awooddii iyo shaqooyinkii ay qaban jirtay marwada koowaad ee Maraykanku. Waxa ay u guurtay xafiiskii Guriga Cad looga qoondeeyey marwada Koowaad oo weliba ay dalbatay in wax ka beddel iyo qurxin loogu sameeyey qaabka uu u dhisan yahay iyo qalabka yaalla labadaba.
In kasta oo ay Ivanka bilowgii xilka aabaheed ay beenisay in ay xilka Marwada Koowaad isku waddo, mar ay warbaahintu wax ka weydiisay. In ay xafiiskaas qabsato oo keliya kuma ay koobnaan ee waxa ay sida oo kale ka beddeshay magaciisii hore ee ahaa xafiiska ‘Marwada Koowaad’ waxa aanay ka dhigtay, ‘Xafiiska qoyska koowaad’.
In kasta oo fursado badan ay Ivanka ka heshay maqnaanshiyihii ay marwada Koowaad ee Maraykanka Melanie Trump ka maqnayd Guriga Cad, iyada oo muddo ku sii negayd gurigooda magaalada New York si ay u sugto imtixaanaadka dugsiga wiilkeeda Baron Trump oo ku xidhnaa in beddelka dugsiga ee Washington la siiyo. Laakiin xitaa markii ay Guriga Cad u soo guurtay Melania xaalku isma uu beddelin, illaa imikana saamayn siyaasi ah kuma ay yeelan odaygeeda, soo muuqada ay ka soo muuqato kamaradaha warbaahintuna waxa ay u muuqataa uun mid looga jeedo in muuqaal ahaan dadka loo tuso in qoysku dhisan yahay, marwada koowaadna kaalintii dhiggeeda Maraykanka soo maray lagu yaqaannay ay ku jirto.
2. Ivanka waxa ay ka mid tahay gacanyareyaasha rasmiga ah ee aabaheeda madaxweynaha ah Donald Trump. Kelideedna ma’aha ee waxa ay isagana gacanyareyaasha aabaheed ku so odartay saygeeda Jared Koshner oo isagu ah la’taliye rasmi ah oo uu magacaabay madaxweyne Trump.
Dalka Maraykanka waxaa ka jira xeer lagu dhaqmayey tan iyo sannadkii 1967-kii oo masuul kasta oo xil qaran haya ka mamnuucayey in qof qaraabadiisa ama xididkiisa ka mid ah uu u magacaabo xil dawladeed. Sidaa awgeed markii uu Donald Trump si rasmi ah lataliye ugu magacaabay wiilka uu sodogga u yahay, waxaa cirka isku shareeray dood iyo dhalleecayn adag oo xisbiga Dimuqraaddiga iyo dadka kale ee mucaaradka ahaaba arrintan ugu jeedinayaan Trump. Si kastaba ha ahaato ee arrintaas maamulka Trump waa uu deedafeeyey, wasaaradda garsoorka ee Maraykanka ayaana soo saartay warmurtiyeed ay ku sharraxayso in xeerkaas aan loogu talogelin in lagu dabbaqo Guriga Cad.
3. Kaalinta ay ku lahayd dhismihii maamulka Trump: Waxaa jira ku dhowaad 4 kun oo shaqooyinka xukuumadda ka mid ah oo Afartii sanaba mar dadkooda la beddelo, madaxweyne cusub oo la soo doortay ama madaxweyne hore oo dib loo doortay, mid kasta oo uu yahay madaxweynaha cusub ee Maraykan waxaa laga filayaa in uu dib u magacaabo dadkii qaban lahaa Afartaas kun ee jago.
Maadaama oo shaqada madaxweynaha sugayaa aad u badan yihiin oo aanu waqti buuxa u wada heli karin soo xulashada masuuliyiintaas cusub, waxa uu madaxweynuhu sameeyaa koox lataliyeyaal ah oo ka caawiya soo xulashada masuuliyiintaas. Kooxdii Donald Trump ka caawinaysay soo magacaabista masuuliyiinta oo lagu magacaabi jiray, “Kooxda ku meelgaadhka ah” waxa ay ka koobnaayeen 100 lataliyeyaal ah oo ku xeeldheeraa arrimaha siyaasadda iyo guud ahaan maamulka dawladnimada, kuwaas oo ay ku jireen ruug-caddaayo hore siyaasadda ugu soo jiray ayaa laga filayey in ay madaxweynaha u soo bandhigaan magacyada dadka ay ku talinayaan in xilalka bannaan ee dawladda Federaalka buuxiyaan.
Haddaba markii ay socotay hawshaas lagu soo magacaabayo masuuliyiinta sare ee maamulka Trump waxaa dad badan u qaadan waa ku noqotay in gabadha uu Trump dhalay ee Ivanka ay ka mid tahay kooxda lataliyeyaasha ah, oo weliba laga dhex dareemayey in ay kaalin aad u muhiim ah ku dhex lahayd. Waxa aanay dad badani tan ka qaateen fahamka ah in Ivanka ay noqon doonto shakhsi awood ku leh Guriga Cad ee Maraykanka. .

La soco Qaybta-labaad 
Xigasho [ Wargeyska Geeska Africa ]

Sunday, June 25, 2017

"26-June Xornimadii Aan La Mahadin".


Image result for 26 june 1960 somalilandSannadkii 1960-kii waxa uu ahaa  sannad badi Africa ka xorowday gumaystayaashii reer yurub. si taas la mid ah Africa-da xornimada heshay waxa ku jiray Somaliland oo iyana ka mid ahayd wadamadii uu gumaysan jiray waddankii ugu tunka waynaa gumaystayasha reer Yurub, haddaba sidda aynu soo xusnay somaliland waxay heshay xornimadeeda 26-june 1960. Walow somaliland xornimadeeda aanay ku faro-adaygin oo ay muddo dhawr cisho ah haysatay haddana ummadda Jsl maalintan waxay u ahayd maalin farxadeed oo ay haleeleen xornimo ay inbadan u haraadanayaan iskana tuureen heeryadii gumaystaha mudada qarniga ah dalkooda haystay.Dadka Jsl iyaka oo ay jiidanayso walaaltinimada ay u qabeen walalahooda kale ee somaliyeed ee gacanta guumaystaha ku hoos jiray waxay goosteen inay dib usoo nooleeyaan Somalinimadii, inkasta dawlad la wada dhistay, dawladaasi may noqon mid inaba lagu xurmeeyey walaalahooda waqooyi ee iyaga oo xorta ah u yimid ee waxay noqotay mid ay isa siiyeen [Reer Koonfureedku].

Image result for 26 june 1960 somaliland
Dhibkasta oo ay ummadda Somaliland kusoo martay midawga haddana waxay ay dib ula soo laabteen dawladoodii oo ay waliba dhiig badan u daadiyeen, ugu dambayntiina waxay ay dhisteen dawlad 25-sanno jirtay oo nabad iyo wada noolaansho ku hana-qaaday.

Ummadda Jsl umalayn maayo inay ka somalinimadii ka tirtirayntay ee wali waxay walaalahooda kale ee Somalia u rajaynayaan inay helaan dawlad ay ku hoos noolaadaan oo ay nabad iyo barwaaqo ku gaadhan , iyaga oo weli taasi niyadooda ku jirto waxa ay u arkaan wax laga xumaado in dhinaca kale [Somalia] xasadnimo iyo xiqdi la daba-socdo oo ay ka xumaadan horumarka ay gaadheen [ mid bulsho iyo dawladnimo-ba] .

Waxa hubaal ah, in Somaliland maalin uun ay aduun-waynaha ka heli doonto aqoonsi buuxa dad ahaan waxay u arkaan inay noolaan karaan aqoonsi la'aan waayo haddaba waxay aqoonsi la'aan jooggaan muddo dhan 26sanno.

Haddaba 26-June waa maalin ummadda Jsl Laba dhacdo ugu xusan:- 
  1.  waa ta koowade waa maalin ay gumaystihii reer yurub ee dhulkooda haystay ay ka xoroobeen, oo ay u arkaan inay tahay guul ay gaadheen tii ugu waynayd dedaal badan dabadeedna ay ku hanteen xornimo aanay mahadin.
  2. waa ta labaaade waa maxay ku xasuustaan inay jibo qaaday oo ay xornimadoodii jar ka tuureen walow guulkastaa leeday faa'iido iyo faa'iido daro'ba haddana waxa ugu lamaan dhacdo ay mararbadan maskaxdoodu dib ugu celisay maalintii ay walaaltinimada ka talinayeen.


FG: 26-june waxay gooni u tahay ummadda JSL xusideedba iyo xushmaynteedana iyaga iska leh.

Ayanle M.Cali

Tuesday, June 20, 2017

Fahamka Nimdaamka xisbiyada badan.


 Nimdaamka xisbiyada badan[multi party system] waa nidaam aynu dal ahaan u dooranahay in bulsho waynta Somaliland cidkasta oo han leh ka soo dhex muuqato, waana nidaam bulshada ka wada dhex muuqan karto taa badelkeeda waxay aynu ka doorbidnay nimaadka laba xisbi [ two party system]. Nidaamkan xisbiyada badan waa nidaam u jan-jeedha dhinaca golayaasha wakiilada [ parlaimentary system], se somaliland waxa ay qaadatay nidaamka la yidhaahdo isku dhaf [ pyramid system] oo ay awoodaha wadaagayaan golayaasha qaranku iyo golaha fulintu si loo helo nidaam dhex-dhexaad ah oo aan awoodu dhinac ugu jan-jeedhsamin.

dhinaca kale, waxa aynu ummad ahaan doorbidnay inaynu ka guurno nidaamka qabiili-ga[ clan based system] ee aynu kusoo caano maalnay dawlad tayo lehna aynu wada dhisano, nidaakan waxa aynu u aragnay nidaamka kaliya ee dhexdhexaad inoo noqon kara.

Maxaa laga faa'iida nidaamka asxaabta badan ?


  1. waa dimuqraadi [Dimocratic system ]nidaamkana waana nidaam fur-furan oo ah in asxaabta badani matalayaan qaranka iyaka oo si siman ugu tartamaya inay awooda qaranka hantaan mid walibana siyaasadiisa soo bandhigayo.
  2. Nidamkani wuu keensataa in si nabad ah awooda lagula kala-wareego [ Ensure a peaceful change of power ] tani waa faa'idada labaad ee ay leedahay nidaamka asxaabta badan waxa ayna suuro-galisaa in si nabad ah loola kala wareego xilka qaranka, sababta oo ah waxa jira nidaam saddex dhinac ah[ traingle] oo aan keensanayn in awooda la isku cidhiidhsado.
  3. Nidaamkani wuxuu ogalaaada asxaabta mucaaradka ah [ Allows for oppositions], marka aynu eegno qodobkan saddexaad nidaamka asxaabta badani waa mid ogolaanay in asxaabta mucaaradka inay jitaan, halka mid ka mid ahi awooda dalka gacanta ku haynayo , asxaabta mucaaradka ahina waxay awood ama kuraas ku yeelanayaa golaayasha qaranka sidda ( golaha wakiilada & golayaasha deganka }
  4. Nidamkani wuxuu ogolaanayaa in si siman looga qayb-galo [ permits mass political participation ], jiritaanka nidaamka asxaabta badani wuxuu awood siinaya in bulshada ka qayb-qaadato inay ka dhex muuqan karaan nidamka siyaasiga ah ee hadba ka jira xisbi-ga ay doorbidaan
  5. Wuxuu ka hortagaa amar ku taaglaynta [prevents tyranny],nidaamkan asxaabta badani waxa uu ogolaanayaa in dawlada markaa talada haysa lagu eedeeyo wax kasta oo ka baxsan awoodeeda , la dhaleeceeye, si aanay ugu tagrifalin awoodeeda.



Haddaba Maxaynu dal ahaan faa'iido ku haynaa ?



Nidaamka kasta ama qorsha kastaa waxa uu leeyahay faa'iido iyo faa'iido daro( bros & cons ) se waxa laga yaabaa inay kala badataan faa'iidada iyo faa'iido daradu. haddaba inaga [somaliland-ahaan] waxa ino yaaala inaynu is qiimayno haddba marxalada aynu ku jirno si aynu u qiimayno halka aynu taaganahay.
Sidda muuqata waxa jira inaynu ka faa'iidnay nidaamkan asxaaabta badan inkasta oo siddiila rabay aynaan u isticmaalin ujeedadii aynu ka lahayn ee ahayd inaynu qabyaalada iskaga dheeranano aanay weli meesha ka bixin haddana markaad u eegto shantan qoddob ee aynu kor kusoo xusnay dhammaantood waynu haynaa , waxa kaliya ee inala gudboonina waa inaynu halkaa kasii wadno .

bulshada ahaana waxa inala gudboon inaynu fahamka aynu ka qabno xisbiyada aanay noqon kuwo aynu salayno qabiil, ee waa in fahamkeenu ka sareeyo qabiil si aynu horumarka dal iyo dad ahaanba rabno uga midho dhalino. Waa hubaal haddii aynu fahamkeena kor u qaadno oo aynu asxaabtana ugu kala hiilino sida aynu u aragno inay bulsho ahaan inoo anfacayaan inaynu noqon doonno bulsho caalamka saamayn ku yeellata oo dawladdooduna noqoto mid tusaale u noqota dawladaha caalamka.

Somaliland oo horumartaaa waa sharafta ummaddeena!

Dhammaad!

Ayanle M.Cali