Followers

Tuesday, June 20, 2017

Fahamka Nimdaamka xisbiyada badan.


 Nimdaamka xisbiyada badan[multi party system] waa nidaam aynu dal ahaan u dooranahay in bulsho waynta Somaliland cidkasta oo han leh ka soo dhex muuqato, waana nidaam bulshada ka wada dhex muuqan karto taa badelkeeda waxay aynu ka doorbidnay nimaadka laba xisbi [ two party system]. Nidaamkan xisbiyada badan waa nidaam u jan-jeedha dhinaca golayaasha wakiilada [ parlaimentary system], se somaliland waxa ay qaadatay nidaamka la yidhaahdo isku dhaf [ pyramid system] oo ay awoodaha wadaagayaan golayaasha qaranku iyo golaha fulintu si loo helo nidaam dhex-dhexaad ah oo aan awoodu dhinac ugu jan-jeedhsamin.

dhinaca kale, waxa aynu ummad ahaan doorbidnay inaynu ka guurno nidaamka qabiili-ga[ clan based system] ee aynu kusoo caano maalnay dawlad tayo lehna aynu wada dhisano, nidaakan waxa aynu u aragnay nidaamka kaliya ee dhexdhexaad inoo noqon kara.

Maxaa laga faa'iida nidaamka asxaabta badan ?


  1. waa dimuqraadi [Dimocratic system ]nidaamkana waana nidaam fur-furan oo ah in asxaabta badani matalayaan qaranka iyaka oo si siman ugu tartamaya inay awooda qaranka hantaan mid walibana siyaasadiisa soo bandhigayo.
  2. Nidamkani wuu keensataa in si nabad ah awooda lagula kala-wareego [ Ensure a peaceful change of power ] tani waa faa'idada labaad ee ay leedahay nidaamka asxaabta badan waxa ayna suuro-galisaa in si nabad ah loola kala wareego xilka qaranka, sababta oo ah waxa jira nidaam saddex dhinac ah[ traingle] oo aan keensanayn in awooda la isku cidhiidhsado.
  3. Nidaamkani wuxuu ogalaaada asxaabta mucaaradka ah [ Allows for oppositions], marka aynu eegno qodobkan saddexaad nidaamka asxaabta badani waa mid ogolaanay in asxaabta mucaaradka inay jitaan, halka mid ka mid ahi awooda dalka gacanta ku haynayo , asxaabta mucaaradka ahina waxay awood ama kuraas ku yeelanayaa golaayasha qaranka sidda ( golaha wakiilada & golayaasha deganka }
  4. Nidamkani wuxuu ogolaanayaa in si siman looga qayb-galo [ permits mass political participation ], jiritaanka nidaamka asxaabta badani wuxuu awood siinaya in bulshada ka qayb-qaadato inay ka dhex muuqan karaan nidamka siyaasiga ah ee hadba ka jira xisbi-ga ay doorbidaan
  5. Wuxuu ka hortagaa amar ku taaglaynta [prevents tyranny],nidaamkan asxaabta badani waxa uu ogolaanayaa in dawlada markaa talada haysa lagu eedeeyo wax kasta oo ka baxsan awoodeeda , la dhaleeceeye, si aanay ugu tagrifalin awoodeeda.



Haddaba Maxaynu dal ahaan faa'iido ku haynaa ?



Nidaamka kasta ama qorsha kastaa waxa uu leeyahay faa'iido iyo faa'iido daro( bros & cons ) se waxa laga yaabaa inay kala badataan faa'iidada iyo faa'iido daradu. haddaba inaga [somaliland-ahaan] waxa ino yaaala inaynu is qiimayno haddba marxalada aynu ku jirno si aynu u qiimayno halka aynu taaganahay.
Sidda muuqata waxa jira inaynu ka faa'iidnay nidaamkan asxaaabta badan inkasta oo siddiila rabay aynaan u isticmaalin ujeedadii aynu ka lahayn ee ahayd inaynu qabyaalada iskaga dheeranano aanay weli meesha ka bixin haddana markaad u eegto shantan qoddob ee aynu kor kusoo xusnay dhammaantood waynu haynaa , waxa kaliya ee inala gudboonina waa inaynu halkaa kasii wadno .

bulshada ahaana waxa inala gudboon inaynu fahamka aynu ka qabno xisbiyada aanay noqon kuwo aynu salayno qabiil, ee waa in fahamkeenu ka sareeyo qabiil si aynu horumarka dal iyo dad ahaanba rabno uga midho dhalino. Waa hubaal haddii aynu fahamkeena kor u qaadno oo aynu asxaabtana ugu kala hiilino sida aynu u aragno inay bulsho ahaan inoo anfacayaan inaynu noqon doonno bulsho caalamka saamayn ku yeellata oo dawladdooduna noqoto mid tusaale u noqota dawladaha caalamka.

Somaliland oo horumartaaa waa sharafta ummaddeena!

Dhammaad!

Ayanle M.Cali 






No comments:

Post a Comment