
Dhibkasta oo ay ummadda Somaliland kusoo martay midawga haddana waxay ay dib ula soo laabteen dawladoodii oo ay waliba dhiig badan u daadiyeen, ugu dambayntiina waxay ay dhisteen dawlad 25-sanno jirtay oo nabad iyo wada noolaansho ku hana-qaaday.
Ummadda Jsl umalayn maayo inay ka somalinimadii ka tirtirayntay ee wali waxay walaalahooda kale ee Somalia u rajaynayaan inay helaan dawlad ay ku hoos noolaadaan oo ay nabad iyo barwaaqo ku gaadhan , iyaga oo weli taasi niyadooda ku jirto waxa ay u arkaan wax laga xumaado in dhinaca kale [Somalia] xasadnimo iyo xiqdi la daba-socdo oo ay ka xumaadan horumarka ay gaadheen [ mid bulsho iyo dawladnimo-ba] .
Waxa hubaal ah, in Somaliland maalin uun ay aduun-waynaha ka heli doonto aqoonsi buuxa dad ahaan waxay u arkaan inay noolaan karaan aqoonsi la'aan waayo haddaba waxay aqoonsi la'aan jooggaan muddo dhan 26sanno.
Haddaba 26-June waa maalin ummadda Jsl Laba dhacdo ugu xusan:-
- waa ta koowade waa maalin ay gumaystihii reer yurub ee dhulkooda haystay ay ka xoroobeen, oo ay u arkaan inay tahay guul ay gaadheen tii ugu waynayd dedaal badan dabadeedna ay ku hanteen xornimo aanay mahadin.
- waa ta labaaade waa maxay ku xasuustaan inay jibo qaaday oo ay xornimadoodii jar ka tuureen walow guulkastaa leeday faa'iido iyo faa'iido daro'ba haddana waxa ugu lamaan dhacdo ay mararbadan maskaxdoodu dib ugu celisay maalintii ay walaaltinimada ka talinayeen.
FG: 26-june waxay gooni u tahay ummadda JSL xusideedba iyo xushmaynteedana iyaga iska leh.
No comments:
Post a Comment