Followers

Monday, June 26, 2017

Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeesha Xukunka.

Image result for ivanka trumpHargeysa (Geeska Africa News) Waxa ay si muuqata oo awood leh uga qayb qaadataa talada iyo go’aanqaadashada siyaasadaha Guriga Cad ee Maraykanka, waxa ay meteshaa arrimaha haweenka ee dalka Maraykanka. Waa Ivanka Trump oo uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo buug ay bishii ina dhaaftay ee Meey labadeedii soo saartay lacagta ka soo baxday iibkiisa kala badh ugu deeqday hawlaha samofalka. Buuggan oo gorfaynaya habka ay u guulaysan karaan dumarka shaqeeya ee Maraykan; waxa uu calaamad cad u noqotay kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka kaga jirto siyaasadda aabaheed ku maamulo Maraykanka.
In kasta oo Ivanka Trump mar la weydiiyey bal in iyadu sida hore loogu arkay madaxweynayaal soo maray Maraykanka ay noqon doonto inanta madaxweynaha oo ku jirta kaalinta Marwada Koowaad ayaa waxa ay si kooban u tidhi, “Maya, sida inan iyo aabaheed ayuun baanu ahaan doonnaa” In kasta oo ay sidaa cad warfidiyeenkii su’aashan weydiiyey ugu deedifaysay sheegashada ah in ay kalian muuqata ka ciyaari doonto talada aabaheed ee dalka Maraykanka, oo weliba ay sheegtay in aanu wax hunguri ahi ka haynin guriga cad iyo xukuumadda aabaheed midna, sida keliya ee ay u dhaqmi doontaana yahay inan iyo aabaheed oo kale, haddana markiiba warkaas su’aalo muhiim ah ayaa ka soo noqday.
Waa run in Ivanka aanay xil rasmi ah ka haynin xukuumadda madaxweyne Turmp, laakiin run ma’aha in aanay saamayn ku lahayn talada aabaheed, dadka aad ugu dhuun daloola Guriga Cadna waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay la’taliyaha koowaad ee Donald Trump aanu la’aanteed go’aamada muhiimka ah qaadan.
Warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo uu Geeska Afrika akhriyey ayaa ka warrantay ra’yi-ururin lagu sameeyey shacbiyadda iyo magaca ay madaxda sare ee xukuumadda madaxweyne Trump ku dhex leeyihiin Aqalka Cad.
Sahamin ay samaysay shirkadda cilmibaadhista ee Politico/Morning ayaa muujisay in Ivanka Trump ay tahay ruuxa ugu shacbiyadda badan shaqaalaha Guriga Cad ee Maraykanka, halka odaygeeda asalkiisu Yuhuudiga yahay ee Jared Kushner uu isaguna ka noqday qofka afaraad ee Siddeeda qof ee ugu shacbiyadda badan masuuliyiinta ka tirsan Guriga Cad ee Maraykanka. Ivanka wax shaqo ah kama hayso guriga cad, waa se la’taliye aan mushahar ka qaadan dawladda oo kelmad muhiim ah ku leh maamulka aabaheed.
Arrinta xiisaha leh ee rayiururintan ka muuqatay ayaa ah in Ivanka ay ka shacbiyad badato xitaa masuuliyiinta kale ee la ya qaanno ee guriga Cad ee Maraykanka, halka boqolkiiba 46 dadkii wax la weydiiyey ka mid ahi ay si weyn u taageereen Ivanka Trump, halka Kellyanne Conway oo ah shakhsiga ku magacaaban lataliyaha rasmiga ah ee madaxweyne Trump ay ka heshay shacbiyad dhan boqolkiiba 30 keliya, Sean Spicer oo ah isu-duwana warbaahinta ee madaxweyne Trump iyo xoghayaha warbaahinta ee Guriga Cad isagu uu ka noqday qofka saddexaad oo helay boqolkiiba 28 keliya. 
Awoodaha la dareensan yahay in ay Ivanka Trump taabka ku dhigtay waxaa ka mid ah:
1. Shaqadii Marwada Koowaad: Ivanka Trump markii aabaheed xilka la wareegay waxa ay fasax dheer oo bilaa mushahar ah ka qaadatay shirkadaha aabaheed ee ay maamuli jirtay waxa aanay u soo guurtay Guriga Cad ee Maraykanka, oo ay aabaheed u noqotay lataliye awooddiisu furan tahay oo haddana aan si rasmi ah dawladda ugu shaqayn. Halkaas kuma ay joogsan ee Ivanka waxa ay awoodahaas ku sii darsatay awooddii iyo shaqooyinkii ay qaban jirtay marwada koowaad ee Maraykanku. Waxa ay u guurtay xafiiskii Guriga Cad looga qoondeeyey marwada Koowaad oo weliba ay dalbatay in wax ka beddel iyo qurxin loogu sameeyey qaabka uu u dhisan yahay iyo qalabka yaalla labadaba.
In kasta oo ay Ivanka bilowgii xilka aabaheed ay beenisay in ay xilka Marwada Koowaad isku waddo, mar ay warbaahintu wax ka weydiisay. In ay xafiiskaas qabsato oo keliya kuma ay koobnaan ee waxa ay sida oo kale ka beddeshay magaciisii hore ee ahaa xafiiska ‘Marwada Koowaad’ waxa aanay ka dhigtay, ‘Xafiiska qoyska koowaad’.
In kasta oo fursado badan ay Ivanka ka heshay maqnaanshiyihii ay marwada Koowaad ee Maraykanka Melanie Trump ka maqnayd Guriga Cad, iyada oo muddo ku sii negayd gurigooda magaalada New York si ay u sugto imtixaanaadka dugsiga wiilkeeda Baron Trump oo ku xidhnaa in beddelka dugsiga ee Washington la siiyo. Laakiin xitaa markii ay Guriga Cad u soo guurtay Melania xaalku isma uu beddelin, illaa imikana saamayn siyaasi ah kuma ay yeelan odaygeeda, soo muuqada ay ka soo muuqato kamaradaha warbaahintuna waxa ay u muuqataa uun mid looga jeedo in muuqaal ahaan dadka loo tuso in qoysku dhisan yahay, marwada koowaadna kaalintii dhiggeeda Maraykanka soo maray lagu yaqaannay ay ku jirto.
2. Ivanka waxa ay ka mid tahay gacanyareyaasha rasmiga ah ee aabaheeda madaxweynaha ah Donald Trump. Kelideedna ma’aha ee waxa ay isagana gacanyareyaasha aabaheed ku so odartay saygeeda Jared Koshner oo isagu ah la’taliye rasmi ah oo uu magacaabay madaxweyne Trump.
Dalka Maraykanka waxaa ka jira xeer lagu dhaqmayey tan iyo sannadkii 1967-kii oo masuul kasta oo xil qaran haya ka mamnuucayey in qof qaraabadiisa ama xididkiisa ka mid ah uu u magacaabo xil dawladeed. Sidaa awgeed markii uu Donald Trump si rasmi ah lataliye ugu magacaabay wiilka uu sodogga u yahay, waxaa cirka isku shareeray dood iyo dhalleecayn adag oo xisbiga Dimuqraaddiga iyo dadka kale ee mucaaradka ahaaba arrintan ugu jeedinayaan Trump. Si kastaba ha ahaato ee arrintaas maamulka Trump waa uu deedafeeyey, wasaaradda garsoorka ee Maraykanka ayaana soo saartay warmurtiyeed ay ku sharraxayso in xeerkaas aan loogu talogelin in lagu dabbaqo Guriga Cad.
3. Kaalinta ay ku lahayd dhismihii maamulka Trump: Waxaa jira ku dhowaad 4 kun oo shaqooyinka xukuumadda ka mid ah oo Afartii sanaba mar dadkooda la beddelo, madaxweyne cusub oo la soo doortay ama madaxweyne hore oo dib loo doortay, mid kasta oo uu yahay madaxweynaha cusub ee Maraykan waxaa laga filayaa in uu dib u magacaabo dadkii qaban lahaa Afartaas kun ee jago.
Maadaama oo shaqada madaxweynaha sugayaa aad u badan yihiin oo aanu waqti buuxa u wada heli karin soo xulashada masuuliyiintaas cusub, waxa uu madaxweynuhu sameeyaa koox lataliyeyaal ah oo ka caawiya soo xulashada masuuliyiintaas. Kooxdii Donald Trump ka caawinaysay soo magacaabista masuuliyiinta oo lagu magacaabi jiray, “Kooxda ku meelgaadhka ah” waxa ay ka koobnaayeen 100 lataliyeyaal ah oo ku xeeldheeraa arrimaha siyaasadda iyo guud ahaan maamulka dawladnimada, kuwaas oo ay ku jireen ruug-caddaayo hore siyaasadda ugu soo jiray ayaa laga filayey in ay madaxweynaha u soo bandhigaan magacyada dadka ay ku talinayaan in xilalka bannaan ee dawladda Federaalka buuxiyaan.
Haddaba markii ay socotay hawshaas lagu soo magacaabayo masuuliyiinta sare ee maamulka Trump waxaa dad badan u qaadan waa ku noqotay in gabadha uu Trump dhalay ee Ivanka ay ka mid tahay kooxda lataliyeyaasha ah, oo weliba laga dhex dareemayey in ay kaalin aad u muhiim ah ku dhex lahayd. Waxa aanay dad badani tan ka qaateen fahamka ah in Ivanka ay noqon doonto shakhsi awood ku leh Guriga Cad ee Maraykanka. .

La soco Qaybta-labaad 
Xigasho [ Wargeyska Geeska Africa ]

No comments:

Post a Comment