Waxa
aynu ka warqabnay in 21may 2017 Madaxwaynaha Dawladda Maraykanku Mr.
Donald trump uu socdaal ku tagay dawlada Sucuudiga oo uu la saxeexday heshiis
ku kacaya 120-billion oo ah dhinaca saanada ciiddamada ama hub la iska
dhaafsado. Hagaag! Waxa aynu Iyana ogayn xiligii uu trump olalaha ku jiray in
ay ka mid ahaayeen waxyaabihii ama qodobadii uu ka hadli jiray in uu wax ka
qabanayo in dawlada Sucuudiga uu Ciiddamada dawlada Maraykan ka joogga kala soo
bixi doonno ama uu ku qasbi doono in lacagta ay bixiyaan kordhiyaan.


Xilligii
uu ku sugnaa halkaas waxa uu jeediyey khudbado aaan hore looga baran isla
markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in 90% in dadka muslimka ahi yihiin
dhibanayaasha argagixiasada.
Khudbaddiisii
ugu horeysey ee uu u jeediyey madaxdii dunida Muslimka ah, waxa lagu tilmaamay
mid lagu saxayey sida dunida muslimka ahi u arkaysay Trump ka dib go’aanadii uu
ka qaatay mamnuucistii socdaalka muwaadininta waddamada lixda ahaa ee muslimka [Muslim-Ban].
CNN
ayaa qortay in ninkii qudbadaas qoray uu ahaa [Stephen Miller] oo ah ninkii
hore u qoray qorshaha mamnuucayay muwadiininka waddamada muslimka ah ee
[Muslim-ban].
Dhinaca
kale, waxa uu muujiyey debac-sanaan siyaasadeed, ammaan badan iyo innuu ka
waramo hodontinnamada taariikhda waddama Bariga dhexe, is-dhexgalka diimaha
wadamadan iyo innuu arkayo innuu ka dhalan karo mustaqabal fiican. Waxa kale oo
uu dul istagay in waddamada muslimka ah oo qudhi dhinac Uga soo wada jeestaan
cadawga dawladaha dunida oo dhan.
Heshiiska Hubka Ee Sucuudiga:
Dawlada
Sucuudigu waxa ay cadawgeeda koowaad u aragtaa dawladda quwada badan ee Iran
isla markaana ay isku seegan yihiin xagga fariiqooyinka diineed waxa sidoo
kale ay aad iskugu sii seegeen duulaankii uu sucuudigu ku qaatay dalka Yemen
Sanadii 2015 oo duqaymo badan u gaystay Xuutiyiinta Yemen oo Iran-na taageerto Sucuudiguna hub culus u isticmaalay duulaankaas dhinaca kale dhaqaalaha
dawlada sucuudiga waa laga deyrinayay wixii ka dambeyey dagaalkaas.
Hagaag! heshiiskan waxa lagu tilmaama abid kii ugu waynaa ee dawladda sucuudigu cid la
gasho isla markaana ah dhinaca saanada ciidamada kumana eeka oo keliya in ay
cabsi ay ka qabto dawladda Iran ee quwada badan keliya u gashay heshiiskan , laakin waxa lagu tilmaamay
mid ay ku qancinayso dawlada maraykan iyo madaxweynaheeda Trump in dawladda
sucuudigu aanay meelnaba kaga fogaanayn inu muujiso inay saaxiibtinimada dhaw ee ay la leedahay dawlada Maraykanka uguna horeeyo dhinaca
ganacsiga iyo is xula-faysiga.
La
Soco qaybta 2aad Insha Allah.
No comments:
Post a Comment