Followers

Sunday, December 16, 2018

27-Sanno ka dib halkee loo socdaa?

Image result for somaliland 27-Sanno ka dib halkee loo socdaa?

Somaliland jihadee ayay u socotaa? waa is waydiinta muddan in dhammantenba aynu dul istaagno, haddii aynu jawaab waafi ah u helno waa hubaal in laga talaabsan karo mushkiladaha jira. Haddaba, haddii aynu su'aashan jawaabteeda isku dayno waxa ay noqonaysaa in aanay cadayn jihada loo jihaysan yahay, keliya ciil, cataw iyo caadifad aan fogayn aynu ku soo wadnay. halkee se looga dhaqaaqayaa? ayaa muddan

 in si taxadar leh la isku waydiiyo xalka-na la raadiyo. Waxa aynu ka goosanahay jamhuuriyadii Somaliyeed 1991, inaga oo ku dhawaaqnay in aynu mar labaad la noqonay madaxbanaanideenii, kuna dhawaaqnay qaran loola magac baxay "SOMALILAND" oo muddo 27-sanno ah aan jiho uu u dhaqaaqay jirin. 
Qarnigan aynu ku suganahay waxa aan muran ku jirin in dunidu go'aanno ka gaadhay in laga fogaado, dawladaha dunidda dhammaantood ka wada shaqeeyaan midnidamad iyo wada-jirkooda taxadar badana ka  muujiyan siddii dalalka dunida ee khilaafyadu ka jiraan la isku dayo in midnimadooda la illaaliyo la isku dayo keliya! siddii xal loogu heli lahaa khilaafkooda. Tusaale koobaan, waxa aynu ka wada ogsoonahay in Sudan oo ahayd dawlad wayn oo Africa- ah in laga shaqeeyey sidii laba dawladood looga dhigi lahaa iyada oo afti laga qaaday koonfurta oo iyadu dagaal midaysan ku la jirtay xukuumada Cumar Al-bashiir, balse go'aankaasi waxa uu noqday mid lagu degdegay. Dhinaca kale, aan tusaale kooban soo qaado oo ku saabsan sida wadamada aynu isku mandaqada nahay aanay u ogolayn in aynu somaliya qaybteedii kale uga go'no balse ay ugu dedaalayaan in ay ka fogaadan in Somaliland kala hadasho aqoonsi ama madaxbanaani ay ka la shaqeeyaan. sida uu Xirsi Buugiisa ku sheegay[ Miyiga ilaa Madaxtooyda] waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda dawladaha Geeska Africa sida, Ismail Omer Geleh iyo Meles Senawi iyo halka ay ka istaageen. walow uu Meles Senawi afkaar u soo jeediyey haddana marnaba ku ma ay degdegin in ay jawaab toos ah ka siiyaan.
Xalku muxuu yahay? aragtidayda gaaban waxa ay tahay Somaliland isma bixin karto inta ay ku jirto gacmaha cid kooban.  haba ku jirto e muddo in tee le'eg ayaynu ku sii jiri karnaa.Si haddaba somaliland loo gu helo dhabo ka wanaagsan tan ay hadda ku jirto waa in la helaa hab fikir mudakar ah oo ka roon in ciil iyo lagu sii jiro. Dawlad waxa ay isku bixisaa waa in ay kor u qaado nidaamkeeda dhaqaaale kaas oo saamayn toggan ku yeelanaya koboca dhaqaale isla markaana saamayn buuxda ku yeelanaya nolosha bulshada ku dhaqan wadanka. Haddii in tan la ga hayo, haa! haddii kale waa in ay nu jiho kale u dhaqaaqnaa.

FG: waynu ka la aragti duwanaan karnaa.  

Image result for somaliland map

No comments:

Post a Comment