Followers

Saturday, December 22, 2018

Waa Kuma Maamulaha Shirkada Google.

Pichai Sundararajan Waxa uu dhashay (July 12, 1972) wax kale oo loo yaqaan Sundar Pichai waxa uu haystaa dhalasho Maraykan ah laakiin waxa uu ka soo jeedaa Hindiya. Sundar Pichai waa agaasimaha fulinta ee GOOGLE. Hore waxa uu u ahaa madaxa qaybta wax soosaarka ee Google, Sundar Pichai waxa booskan loo magacaabay August 10, 2015, qayb ka mid , isaga oo ku kasbaday isbedelka uu ka gaystay shirkada waxa na dib loogu magacaabay October 2, 2015.
Noloshiisii hore iyo waxbarashadiisii.
Pichai waxa uu ku dhashay  Madurai, Tamil Nadu, waxa uu ka soo jeedaa qoyska Tamil. Hooyadii waa Lakshmi, Aabihi halka Regunatha Pichai waxa uu Injineer ka ahaa warshada korontada ah oo kuwii Ingiriiska ah. Sidoo kale aabbihii waxa uu lahaa warshad yar oo soo saarta koronta. Pichai waxa uu ku koray laba qol oo ku yaala magaalada  Ashok Nagar.
Pichai waxa uu dhamaystay Jawar Vidyalaya oo ku yaala magaalada uu ku koray ee Ashok Nagar, sidoo kale Vana Vani school oo ah dugsi lagu barto tiknoolajiyada. Waxa uu shahadadii koowaad ee waxbarashada jaamacada ka qaaday machadka tiknoolajiyada iyo muhindisnimada  ee KHARAGPU, waxa kale oo uu haystaa shahaada heerka labaad M.S.  oo uu ka qaatay jaamacada Stanford University. Waxa kale oo uu haystaa shahaada labaad ee MBA oo uu ka qaatay jaamacada Wharton School of the University of Pennsylvania, isaga oo loo aqoonsatay haldoor.

Xirfadihiisa:-

Pichai waxa uu la taliye xaga tiknoolajiyada ah ka soo noqday shirkada McKinsey & Company oo ka shaqaysa maamulka. Pichai waxa uu Google ku soo biiray 2004-tii oo uu ka noqday maamulaha qaybta wax-soosaarka isaga oo ku guuleystay in uu hindiso Google Chrome iyo Chrome OS, sidoo kale waxa uu masuul ka ahaa soo saristii Google Drive. Waxa uu ka qayb qaatay soo saaritsa Gmail iyo Google Maps. Bishii Nov 20, 2010 waxa uu ku dhawaaqay furitaanka godadka muuqaalada VP8 ee Google waxa kale oo uu hordhac ka sameeyey nidaamka muuqaalada WebM.
Bishii March 13, 2013, Pichai waxa uu ku soo kordhiyey nidaamka Android-ka wax-soosaarka shirkada Google. Android waxa hore u maamuli jiray nin la gu magacaabo Andy Rubin. Andy Rubin waxa uu ahaa agaasimaha qaybta Jive Software laga bilaabo April 2011 to July 30, 2013. Pichai waxa loo doortay ku xigeenka Maamulaha guud ee shirkada Google August 10, 2015. Ka dib markii hore loogu magacaabay madaxa wax-soosaarka. October 24, 2015 waxa uu u dalacay ka dib markii uu dhamaystiray Alphabet Inc., oo ah nidaamka cusub ee qoyska Google.


Pichai waxa loo soo jeediyey in uu ku tartamo maamulaha guud ee shirkada Microsoft sannadkii 2014, booskan oo u gu dambayn la siiyey Satya Nadella.

Noloshiisa Shakhsiga ah.

Pichai  waxa uu guursaday  Anjali Pichai  waxa ay isku dhaleen laba caruur ah, Pichai waxa uu xiiseeyaa ciyaaraha Soccer-ka iyo Criketkaand. Ciyaaraha kubada cagtana waxa uu si aad ah u taageeraa kooxda kubada cagta ee FC.Barcelona waxa uu xusay in ciyaar kasta oo kooxdu ciyaarto.

No comments:

Post a Comment