Followers

Tuesday, December 25, 2018

Magaalooyinka Ugu Khatarta Badan Dunida



Los Cabos, Mexico ayaa ah magaalada u gu khatarta badan dunida waxa ka dhaca dilal dhan 111.33  marka laga qiyaas qaato  100,000 ee qofba. Marka la sheegayo magaalooyinka dunida u gu khatarta badan waxa u gu horeysa Mexico oo sannadihii dambe la daala dhacaysay dilalkaas. Sannaddihii 2017 & 2018-kii, magaalada Los Cobas waxa ay kaga jirtay kaalmaha hore sida ay wargeysyada dunida ka soo baxa xuseen. Dilalkaa badankoodu waxa ay la xidhiidheen ka ganacsiga daroogada, iyo dalxiisayaal aan ahayn kuwo la bar-tilmaameedsaday. Dilalka ka dhacaya magaalooyinkani waxa ay sababeen in dadyow badan nafahooda u ga la cararaan iyaga oo magaalooyin kale u ga wareeegay.
Caracas, Venezuela, ayaa iyaduna kaalinta labaad kaga jirta magaaloyinka u gu khatarta badan dunida iyada oo ay ka dhacaan dilal dhan 111.19 marka laga qiyaas qaato 100,000 ee qofba. Halka magaalada saddexaad ay tahay Acapulco, oo isla Mexico ka tirsan oo ay ka dhacaan dilal dhan dhan 106.63 marka laga qiyaas qaato 100,000 ee qofba. Dilalkan ayaa ay sababayaan isku dhacyada gaangiska iyo ka ganacsiga daroogada. Inkasta oo ay jiraan waxyaabo kale oo saameeyaa, haddana, nasiib daro saddexdan magaalo ayaa ah kuwo u gu horeeya magaalooyinka ugu khatarta badan dunnida.
Magaaloyinka ugu khatarka badan Maraykanka.
Afarta magaalo ee ugu khatarta badan dalka maraykan ayaa kala ah St. Louis, Missouri (65.83), Baltimore, Maryland (55.48), New Orleans, Louisiana (40.10) and Detroit, Michigan (39.69) marka laga qiyaas qaato 100,000 ee qofba. Maraykanka sharciga xakamayna gaangiska ayaa wali su’aalo ka taagan yihiin, maadaama oo ay dhimashada tobonaanka kun ee qof sababayaan gaangiska ama dadka daroogada ka ganacsadaa.
Waxa jirta iyaduna Chicago oo soo raacda magaaloyinkaas oo ay ka dhacaan dilal dhan 27.22 marka laga qiyaas qaato 100,000 ee qofka. Inkasta oo ay Chicago sannadihii u gu dambeeye ay jireen in ay ka gudbayso caqabadahan haddana waa xaalad sii taagan sida lagu xusay warbixino la diyaariyey sannadii 2000. Halka 2010 la arkayay in hoos u dhac jiro.  
Magaaloyinka ugu khatarka badan qaarada Latin America.
Magaalooyinka kale ee ku jira liiskan ayaa Iyana ka soo jeeda qaarada loo yaqaan Latin America. Iyada oo la sheegay in Iyana ay ku badan yihiin dilalka ay sababaan daroogada, dhaqaale xumada, musuq-maasuqa siyaasiyiinta iyo dadka xafiisyada ka masuulka ahi, kuwan ayaa Iyana ah qaar ka qayb qaata korodhka dilalka qaaradan.

Magaaloyinka ugu khatarka badan South African.
Liiskan lagu xusay 50-magaalo ee ugu khatarta badan dunida, waxa ku jira saddex magaalo oo ka tirsan dalka Koonfur Afrika oo ka tirsan qaarada Afrika, kuwaas oo kala ah Cape Town (62.25), Durban (38.12), Port Elizabeth (37.53). dalkan oo dhaca koonfurta fog ee qaarada Afrika, ayaa waxa lagu xusay in dambiyada sida dilalku aad ugu badan yihiin. Iyada oo la gu sababeeyey shaqo la’aanta muwaadiniinta haysata iyo nidaamka hayb-sooca oo isna ah mid weli ka sii jira dalka.

 Kala Sareynta Magaalooyinka


Rank



City
Country
Homicide Rate (Per 100,000)
1
Los Cabos
Mexico
111.33
2
Caracas
Venezuela
111.19
3
Acapulco
Mexico
106.63
4
Natal
Brazil
102.56
5
Tijuana
Mexico
100.77
6
La Paz
Mexico
84.79
7
Fortaleza
Brazil
83.48
8
Ciudad Victoria
Mexico
83.32
9
Ciudad Guyana
Venezuela
80.28
10
Belem
Brazil
71.38
11
Vitoria da Conquista
Brazil
70.26
12
Culiacan
Mexico
70.10
13
St. Louis
United States
65.83
14
Maceio
Brazil
63.94
15
Cape Town
South Africa
62.25
16
Kingston
Jamaica
59.71
17
San Salvador
El Salvador
59.06
18
Aracaju
Brazil
58.88
19
Feira de Santana
Brazil
58.81
20
Ciudad Juraz
Mexico
56.16
21
Baltimore
United States
55.48
22
Recife
Brazil
54.96
23
Maturin
Venezuela
54.43
24
Guatemala City
Guatemala
53.49
25
Salvador
Brazil
51.58
26
San Pedro Sula
Honduras
51.18
27
Valencia
Venezuela
49.74
28
Cali
Colombia
49.59
29
Chihuahua
Mexico
49.48
30
Joao Pessoa
Brazil
49.17
31
Obregon
Mexico
48.96
32
San Juan
Puerto Rico
48.70
33
Barquisimeto
Venezuela
48.23
34
Manaus
Brazil
48.07
35
Distrito Central
Honduras
48.00
36
Tepic
Mexico
47.09
37
Palmira
Colombia
46.65
38
Reynosa
Mexico
41.95
39
Porto Alegre
Brazil
40.96
40
Macapa
Brazil
40.24
41
New Orleans
United States
40.10
42
Detroit
United States
39.69
43
Mazatlan
Mexico
39.32
44
Durban
South Africa
38.12
45
Campos dos Goytacazes
Brazil
37.53
46
Nelson Mandela Bay
South Africa
37.53
47
Campina Grande
Brazil
37.29
48
Teresina
Brazil
37.05
49
Vitoria
Brazil
36.07
50
Cucuta
Colombia
34.78



 Dhammaad!


.


No comments:

Post a Comment