Followers

Monday, December 24, 2018

Dalalka u gu Horeeya Korodhka Tirada Dadka.

Countries With the Highest Population Growth Cuman ayaa noqotay dalka u gu korodhka badan tirada dadka 8.5%.

Dadweynaha adduunka ayaa hadda kor u dhaafay 7 bilyan oo qof, waxa na uu  ku sii socdaa heer dhaqso ah. Heerarka koritaanku waxay u muuqdaan inay ku  ka la duwan yihiin dalalka aduunku, iyada oo dalalka soo koraya ay yihiin kuwo  guud ahaan ay sii kordhaayaan tirada dadkoodu halka ay dhaqaale xumo ka jirto. Korodhka degdegga ah ee dadyowga saboolka ah ee waddamada soo korayaa waxay keenaysaa caqabado gaar ah marka ay ku dadaalayaan in ay horumar sameeyaan. Heerarka kor u kaca tirada dadka ee  waddamadan ayaa sidoo kale waxay culeys weyn ku yihiin dawladooda, maadaama ay isku dayayaan in ay kordhiyaan ilaha dhaqaalaha iyo kaabayaasha horumarka dhaqaalaha. Sababta ka dambeysa koritaaanka dadka ee dalalkaas  ayaa loo ka la saari karaa dhowr arrimood, oo kala ah mid dibadda ah iyo gudaha ah[ Both External & Internal].

Marka loo eego tirade dhalashada ee ka badan tirada dhimashada waxa loo yaqaan korodhka dabiiciga ah “Natural growth. Koritaanka noocan ahi wuxuu saameeyaa arrimo ay ka mid yihiin dagaallada iyo ka hortagga uur-qaadista, qaybinta dadweynaha ee intii isku da’ahba, iyo rajada nolosha dhalashada. Soo galitaan iyo ka bixitaanka wadamadan waxa ay sidoo kale saamayn ku leh wax is ka bedelka dalalkan.
Xogtii ugu dambeysa ayaa muujinaysa in wadanka Cuman korodhka dadku yaha qiyaastii wax u dhiganta 8.45% sanadihii la soo dhaafay. Kobaca heerkan ayaa u muuqda in wadamada beriga dhexe yihiin kuwo korodhka dadku aad u sareeyo marka loo eego dalalka kale. 


Waqtigan xaadirka ah, dadka adduunka ayaa lagu qiyaasaa in ay yihiin 7 bilyan,  iyada oo in ka badan kala bar dadkaas ku nool yihiin qaarada Aasiya. Dhinaca kale in in ka badan rubuc ayaa  waxay ku noolyihiin qaarada Afrika, halkaas oo dalalka Afrika ee Koonfurta-Suudaan iyo Niger ay kordheen heerka dadkoodu qiyaastii 4.09 iyo 4.00, siday u kala horreeyaan. Kobaca dadweynaha  ee labadan qaaradood ayaa ah ku saamayn ku leh korodhka da’da dhexe ee dadyowga caalamka, hoos u dhac ku yimid heerka dhimashada caruurta iyo kor u kaca heerka uur qaadista. In kasta oo hoos u dhacu uu aad u ga fogyahay wadamadan.


Sida la ga soo xigtay saadaalinta UN-ta iyo ururada kale ee ku hawlan kaydinta xogta dadyowga aduunka, waxa ay sheegayaan in dadyowga aduunka tiradoodu kordhi doonto 4-bilyan marka la gaadho sannadka 2,100. Korodhkan ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay wakhti dheer oo ay dadku noolaan doonnaan ama da’da dhimashada dadka oo kordhi doontaa iyada oo lagu sababeeyey maadaaama ay fiicnaan doonto xaaladooda caafimaad iyo adeegyada caafimaad ee ay heli doonaan. Wakhtigan, saddex ka mid ah shanta wadan ee aduunka ugu dadka ayaa ka tirsan wadamada Aasiya, iyada oo Hindiya lagu qiyaasayo in ay dhaafto Shiinaha oo ah dalka ugu badan aduunka mustaqbal aan fogeyn.


Dalka u gu hooseeya 20-ka wadan ee u gu horeeya dhanka korodhka dadyowga waxa la gu sheegay Mali oo la gu qiyaaso 2.9 %. Halka dalka labaad ee u gu horeeya lagu sheegay Lebanon oo la gu qiyaasay korodh dhan 5.99%. Dadka intooda badani waxay aaminsan yihiin in Maraykanku uu ka mid noqon doono dalalka ugu sarreeya liiska kobaca dadweynaha, laakiin dhab ahaantii kuma jiraan 10ka sare ee ugu sarreeya. Khubarada ayaa aaminsan in arrintaani ay qayb ka tahay fursado badan oo ka mid ah fursadaha uurqaadida ee laga heli karo gudaha dalka, isbeddelka isku socodka gudaha iyo dibaddaba, iyo fursadaha waxbarasho ee haweenka, marka dhaqan ahaan ay ku dhaceen hoos u dhaca dhalashadu.

kala Sareynta Wadamada:-

Rank
Country
Population Growth Rate (%)
1
Oman
8.45
2
Lebanon
5.99
3
Kuwait
4.81
4
Qatar
4.72
5
South Sudan
4.09
6
Niger
4.00
7
Burundi
3.34
8
Chad
3.31
9
Iraq
3.31
10
Angola
3.30
11
Uganda
3.27
12
Gambia
3.24
13
DRC
3.17
14
Tanzania
3.16
15
Senegal
3.10
16
Jordan
3.06
17
Malawi
3.06
18
Zambia
3.05
19
Afghanistan
3.02
20
Mali
2.98
 
 

No comments:

Post a Comment